Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

LIISKA DIL SUGAYAASHA DR. AXMED DABADII, By. Sh.C/laahi Baashe

1- Aqoonyhan
2- Caalim diineed
3- Digtoor
4- Daaci
5- Arday jaamacadeed
6- Oday nabadda jecel
7- Miskiin meel iska maraya
8- Macalin quraan
9- Marti
10- Maalqbeen
 
MAXAABA HADHAY:??? !!!!!!
 
Ugu horayn waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaana eheladii, sheikh Dr/ Axmed xaaji C/raxmaan oo ahaa caalim & aqoonyahan soomaaliyeed oo u taagnaa noloshiisa inta aan garanayo dhismaha iyo danaha ummada waxbadana ka xaqiijiyay.
 
Caalim mufti ah buu ahaa, Wuu soomanaa, salad subaxbuu soo tukaday , xaajina wuu ahaa oo maalmoyar ka hor kacbada ayuu agfadhiyay daqiiqadihii noloshiisa u dambeeyayna danta guud ee ummadiisa ayuu ka shaqaynayay
 
ilaahay haka aqbalo acmaasha suban iyo cibaadada alle ee uu kulansaday naxariistiisa wasica ah iyo jannooyinkii qaaliga ahaana ha siiyo ayaan ugu ducaynaynaa
AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
 
MAXAA LOO DILAY SHEEKHA??????????.
 
Waayahan dambe somaaliya waxaa ka socday silsilad dilal qarsoon iyo kuwo muuqda oo dhamaantood is shabahaya haday tahay goobaha dilalku ka dhacayaan,nooca dadka lala beegsanayo ee hadafka ah, iyo waqtiga falalku dhacayaanba.
 
Waa layaabee bal in yar aan dib u milicsano dhcdooyinkii murugada lahaa ee dalka soo maray qaar ka mid ah dhamaantood waxaad arkaysaa inay isku nooc ahaayeen shirqoolkuna meel kasoo wada jeedo.
 
* Goobta dhacdooyinku inta badan waa:Masjid, jaamacad,ama munaasabad aqoonyahan kulmisay
 
* Nooca dadka diiradu saarantahay: Culimo,aqoonyahan iyo inta kale ee kor ku xusan
 
* Dembiiluhuna inta badan waa : mid, laba ama koox dhalintaro ah oo afka soo duubatay oo ku hubaysan bastoolado ama waxyaabaha qarqa.
 
Hadii ay sidaa tahay aynu u soo noqono su,aasheena ah maxaa sheekha loo dilay? ,Ilaahay wuxuu caqliga inoo siiyay in aynu wax ku garano axdaasta iyo dhacdooyinkana ku fahamno ama ku falanqayno waxa ay daaran yihiin.
 
Dr. Axmed xaaji C/raxmaan ilaahay haw naxariistee wuxuu ahaan nin aqoondheer dadku u leeyahay oo lawada yaqaano, inkasta oo waqtigiisii uu dhintay hadana waxaa la odhan karaa wuxuu ahaa shaksi ka fog oo nadiif ka ah dhamaan asbaabaha soomaalidu isu disho ama isu dabagasho marka laga reebo dhaqamoguracan oo waayahn dambe ku soo kordhay saaxada soomaalida kuwaasoo ah in qof muslim ah dhiigiisa cid kale ku banaysato ama ku hadido wuu iga soo hor jeedaa, waxaan wado ma waafaqsana iyo dadka ayuu wax ugu sheegaa sidaan arko si ka duwan.
 
* muu ahayn siyaasi kursi doon ah oo dakano siyaasadeed qaba oo markaa la yidhaahdo sababtaas ayaa loo dilay.
* Manuuse ahayn dadka qabaa,ilka horbooda oo aano qabiil looma dilin ee taa caksigeeda wuxuu ahaa caalim soomaaliyeed oo dadka oo dhami wada jecelyahay
* Xitaa muu ahayn dadka carabkiisu dalabta leeyahay ee dhacdhaca badan ,wuxuu ahaa nin marka uu hadlo hadalkiisu intabadan cilmi iyo xikmad yahay oo aan laga xiisagoyn
 
Hadaba dilka sheikh Dr. axme ilaahay ha u naxariistee waxaynu odhan karaa oo dhamaan calaamadaha jiraa ay muujinayaan meel dheer loogama iman ee wuxuu daba socdaa duqaydii ka horaysay iyo haldoorkii soomaaliyeed ee magacyadooda aad wada garanaysaan ciyaartuna ma dhowa oo liisku waa furanyahay , culimo iyo aqoonyahan farabadan oo aad wada jeceshihiin sidii sheekheena alle naxariis ha siiyee ayaa faylka ku jira.
 
Maxaa talo ah ?
KU: CULIMADA:
 
1- waa in aan lagu sasin axdaasta iyo dhacdooyinka noocan oo kale ah ee soo wajahaya ummada iyo ducaada xaqqa ah ee u taagan danaha ummadooda.
2- waa in ay hoosta ka xariiqnaataa in dariiqa Dr.axmed iyo ragii ka horeeyayba ay ku dhinteen uu yahay dariiqii ambiyada dhamaan raga inta hadhayna ay fishaan oo diyaar u ahaadaan inay ilaahay la kulmaan iyaga oo dariiqa ku taagan.
 
قال تعالى: وكأيّ من نبيّ قتل معه ربيّون كثير فما وهنوا لما أصابهم في سبيل الله وما ضعفوا وما استكانوا والله يحبّ الصابرين
3- waa in culimada iyo ducaadu ay dardar geliyaan oo labanlaabaan juhuudda iyo dadaalka ay wadaan ee dacwada iyo danaha guud ee Ummadda
4- ilaahay wuxuu culimada dusha ka saaray bayaaminta xaqqa meel kasta oo ay joogaan iyo si kasta oo xaaladu noqonayso xitaa hadii ay naftooda ku waayayaan arintaana waxaa tusaale inoogu ah selefkii ummadda ee saalixa ahaa
5- ugu dambayntii Dr. axmed waa in dadkiisii wax loo qabtaa dhaxalkii cilmiga ahaa ee uu ummadda uga tegayna la ururiyaa si loogu intifaaco .
 
 
KU: DHALIYARADA:
 
dhaliyaroy waxaad tihiin xoogii Ummadda iyo mustaqbalkeedii, ogaada in duulaanka ugu faraha badani idinka idnku wajahan yahay hadii ay tahay sidii maskaxdiina iyo fidrada saliimka ah ee eebe idinku abuuray loo majara habaabin lahaa oo markaa xoogiina iyo firfircoonidiina loo adeegsado duminta dalkiina iyo dulaynta dadkaad ka dhalateen .Waxaan ugu naseexaynayaa naftayda iyo naftiinaba qodobadan hoos ku qoran:
 
1. Aakiro naf waliba wixii ay gaysatay isaga ayaa loo qabanayaa oo kooxdiisa iyo qabiilkiisa midna waxba uma tari doono ee nin walowba ka fiirso intaanad falin
2. jahligu waa cadow, caaqibadiisuna way xuntahay, cilmi baa ku caymin kara ee carar oo culimada gaadh intaanad cadaabka gelin.
3. qofka caalimka ah ama ahlu diinka ah oo la aflagaadeeyo,loo hanjabo ama la dilaaba waa dambi wayn oo jariimo ahee yaan walaal lagugu dagin oo diintaada haku fasahaadin.
4. hubsiimo halbaa la siistaa ,ee haku halaagsamin heblaa tidhi iyo hebel baa iigu sheekha.
5. dhagartu ma hadho dhiiga muslinkuna ma duugoobo ee dhulka haysu daraysiin
 
 
KU: UMMADDA GUUG AHAAN:
 
Waxaan guud ahaan u dardaarmayaa walaalahayga soomaaliyeed muslinka ah meelkasta oo ay joogaan .
 
1. ilaahay xadhigiisa qabsada oo ku walaaloba diinta
 
2. culimadiina iyo waxgaradkiina gacan siiya oo meel uga soo wada jeesta mu,aamaraadka shaadhadhka kala duwan gashan ee ummadda loo soo maleegay.
 
 
3. diintu waa tii ilaahay soo dejiyay dadka sheegtaa se kama wada turjumaan ee dadkiina kala barta.
 
 
 
 
Sh.C/laahi Baashe
cbaashe@hotmail.com
 
———————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles