Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

xasuuqii galbeedka xaqdaro aan la qaadan karin[abiib timacade oo xabsiga loo taxaabay]CID oo hawlgal balaadhan wada‏,By: siciid cabdi dheen

Xasuuqa maatada iyo dadka aan wax danbiya gaysan  waxa ka masuula dawlada 
somaliland waana mid waajiba inay soo xidh-xidho  dadkii ku lug lahaa
ma soconayso habeenkasta sadex nin ayaa sida adhiga qoorta loo dheeraynayaa
ayadoon tii horeba laga bogsan maaha in hadana dad kale dhegta dhiiga loo daro
malaa ragan wax laynayaa meel kale ayay libin ka haystaan ee tani maaha 
mid maanta lagaa yeelayo.
 
Dadka kalmada xaqa ah waanu u sheegnaa waanu fahansiinaa midhkay ku qaldan yihiin
haduu jiro nin maanta  xaqa ka xishoonayaa asagay jirtaa  
dilkan maanta loo gaystya maatada  aan waxba galabsan hadii  wax laga qaban waayo
waxa dhacaysa in qofkastaaba caadaysto habeen mirka dadka la khaarajiyo[ caawana xagaynu mirnaa]
 
Waxa amaan gaara leh maamulka dawlada oo ilaa imika ashkhaas badan oo tuhunku soo galay
xadhiga u taxaabtay  la taliyha madaxwaynaha abiib timacade ayaa  xabsiga lagu hubsaday
ka dib marki kooxda CID dabagal ku sameeyeen tuhun badan oo soo galay 
 
waxa kaloo  ayaduna meesha taala in qof kastoo ku lug leh in la qabto sharcigana la mariyo
 
Hadaan hadalka si kale u dhigo waxa dhawaan dalka sweden laga dhigay mudaharaad 
ay mawaadiniinta dalkaasu ku taageerayeen maamulka soomaliland iyo in la aqoonsado
waxay dadkaasi sheegeen in s/land ay in badan nabad haysatay dimuquraadiyadna samaysteen
dalkana  doorasho xor ah oo xalaali ka dhacdo sida  wadamada reer galbeedkaba uga dhacdo
waxay muwaadiniinta reer sweden caalamka ka codsadeen in la aqoonsado s/land waxna lala
qabto
akhristoow waxa arinkan reer sweden ka mudaharaadeen sii xoojiyay markii dawlada masar
ay jawaab degdega ka bixisay ayadoo leh anaguna waanu taageerayna maamulka s/land
laga bilaabo maanta waxaanu  ka caawin doona wax kasta oo aanu samaynkarno.
 
Hadaba waayaabe mr abiib timacde iyo kooxda tuhunku galay ma qaar u adeegaya dano kalaa
miyaan halkaasi ahayn mid la qoonsan karo.
miyaan xaalku ahayn waxa jira dad la adeegsanayo oo ah  muwaadiniin u dhashay  s/land oo raba
in dalka qas laga abuuro caalamkuna idhaha ka leexiyo waliba sawir qaldan laga siiyo
waxaad moodaa in s/land lagu wado dagaal qarsoodiya oo si cilmiyaysan loo abaabulo
 
ugu danbayn
somaliland  waan hubaa in ay leedahay aqoon yahan  badan iyo rag ila fahmi kara halkaan ka hadlaayo
sidaa daraadeed waxa haboon in loo guntado dalka lagana hortago hagardaamooyinka iyo shirqoolka
lagu hayo shacabka somaliland iyo dawladnimadiisa iyo dimuquraadiyadiisa iyo aqoonsigiisa
markalana waxaan maamulka dawlada ka codsanayaa in shacabka somaliland u sinaado sharciga
waxaan idinku taageerayaa in aad xidhaan dhamaan gacan ku dhiiglayaasha iyo qaswadayaasha
dadka masaakiinta habeenkii miraaya.
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
dheen@live.co.uk
london
———————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>