Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Waraysi: Shacabka Xalaasha SSC iyo Hoggaanka (Maamulka) SSC

$
0
0

Waa qayb kale oo ka mid ah waraysiyadii taxanaha ahaa ee hoga-tusaalaynta qaybaha kala duwan ee bulshada SSC, qaybta tan xigta waa shacabka xalaasha ah iyo Hindida hareeraha u shaqo tagtay….la soco
 
Maadaama shacabka xalaasha SSC iyo maamulkoodu ay si aad ah ay isagu dhowaayeen warna isku seegganayn ayaa warasigoodani yahay mid aad u kooban oo dhawr arrimood oo muhiim ah uun taabanaya. Waraysigiina wuxuu u dhacay sida soo socota:
Shacabka Xalaasha SSC
: Hadal badan dan baa dhaantee, waxaad noo sheegtaan waxa aad ku soo kordhiseen deegaanka Dhulbahante iyo waxa aad qabateen?
Maamulka SSC (Hoggaanka
): Waa su’aal wanaagsan aanu filayno in dhammaan shacabka SSC ay jawaabteeda wada garanayaan. Si kooban haddaanu jawaabta u dhigno, cidina ma dafirsana in iyadoo Dhulbahante gumoobay oo magaciisa iyo jiritaankiisu ku dhow yahay in la yidhaado beri ayaa waxaa jiri jirey reer Dhulbahante la yidhaahdo ayaa la yagleelay Maamulka SSC. Dhismaha Maamulka SSC ayaa la og yahay inuu keenay waxqabad baaxad weyn muddo kooban, taasina ay wax badan ka beddeshay xaaladdii quusta ahayd ee dadka iyo deegaanka SSC, mar kalena soo noolaysay rajadii, karaamadii, taariikhdii dhaxal-galka ahayd, iyo magacii weynaa ee deegaanadan iyo dadkiisa. Waxaana maamulka iyo shacankiisu wadajir u xaqiijiyeen guulo la taaban karo ayadoo SSC dib khariidada Soomaaliyeed, geeska iyo dunidaba dib uga muuqatay, doorkeedii ay u qalanteyna ay xejisatay
Shacabka Xalaasha SSC:
Waa maxay waxa aad is odhan kartaan waa idinka khaldameen ama waa idinku adkaatay inaad qabataan iyo sababaha keenay?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Marka hore dal iyo dad habar dugaag dam ka siiyey oo loo tashaday oo wax yari ka sii riiqriiqayo ayaanu dhegahiisa qabanay, idinba waa fahmi kartaan baaxadda dhibaatada ku gudban wax-ka-qabashadeeda, waxaase aan odhan karnaa muddada koobnayd aanu hawsha wadney guulaha la gaadhay gudo iyo dibedba SSC waa mucjiso (miracle) waana mid ka dheeraysay waxa u qabsoomay maamul beeleedyada hareeraha inaga xiga ee mudada dheer soo dhisnaa (in proportion terms). Si kastaba ha ahaatee, muddadu waa nagu yarayd oo dal dhisan oo nabad ah ayaa madaxda la doorto la siiyaa 4-5 sannadood si ay u helaan fursad ay wax ku dersaan waxna ku qabtaan iyadoo ay dhici karto ilaa laba sano iyo dheeri ay ku dhaafto inta ay ka ogaanayaan xaaladaha jira iyo dhigidda qorshayaal wax qabasho. Ta kale meeshu waxay ahayd meel isku bislaatay, dayac ka dhergey oo belaayo kala dillaashay oo kala iibsatay oo meel laga soo galo iyo meel laga bilaabo ay adkayd inaad garato. Waxaa intaa dheer in meeshii la taabtaaba soo ruqaysey oo dhawaaca ku yaallaa isku humbuluuluqay oo kuwii madax meel la salaaxo ugu sarreeyey ahaa ugu sii darnaayeen. Marka shacabka xalaasha ahoow dee idinba cidi arrimahaas idiin sheegimayso
Shacabka Xalaasha SSC:
Waxaas oo dhan waynu isla ognahaye idinka waajibkiinii maxaad gabteen ama gudan kari weydeen weeye su’aashu ku soo dhowaadoo, madaxduna ma fekerto marka la doorto kaddibe waxay la timaadda barnaamijkeeda wax-qabad doorashada ka hor ‘political plat form’, idinkuse ma waxaad doonayseen inaad marka la idin doorto ku dul fekertaan oo bal eegtaan waxaad qaban kartaan?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Waayo aragnimo yari waa jirtey iyo duruufaha oo aad u adkaa, waxaanuse ku buuxineyney dadaal badan iyo daacadnimo. Waxaa jirey in magacaabidyo xilal muhiim ah aanu samaynay dhinaca fulinta iyo kuwii Isimadu sameeyeen ee khusuusida ay labadaba ku soo dhuunteen qaar aan barakaysnayn oo lugta na jiiday, waxaase la yidhi hangaraarac lug uma dhutiyee wax badan nama yeelin oo taageerada shacabka xalaasha ayaa wax kasta ka weyneyd
Shacabka Xalaasha SSC:
Ma is leedihiin waxa SSC u qabsoomay ilaa hadda wax ka badan ayaa la gaadhi lahaa oo sidii la doonayey ugama aydnaan faa’iidaysan taageeradii iyo imkaaniyaadkii aad ka hesheen shacabkiina?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Ma doonayno inaanu shacabkayaga karaamaysan ugu maahmaahno “habar ama oday fadhiya legdini la fudud”, hasayeeshee waxaanu qabnaa wax lagu faano oo la taaban karo “solid achievements” aynu ku talaabsanay wakhtigii yaraa ee curdanka ahaa. Dhab ahaanna suuragal waa ahayd in intaa laga sii ballaadhiyo waxqabadka iyo guulaha
Shacabka Xalaasha SSC:
Haddii aad gadaal eegtaan oo ay dhici lahayd inaad taagan tihiin meeshii aad ka soo bilawdeen maxaad ka beddeli lahaydeen sidaad u shaqaynayseen? In other words, what would you have done differently?
Maamulka SSC (Hoggaanka): H
aykalka maamulka ayaanu dhammaystiri lahayn bilawgiiba sida gole wasaaradeed oo buuxa, dhismaha ciidanka, tayayntiisa, iyo hawlgalladiisa ayaanu xoojin lahayn, maxkamad ciidan oo la xaasha wixii carqalad ku ah halganka xoraynta ayaanu samayn lahayn aan cidna u aabbo yeelayn. Sidoo kalena dhaqaalaha maamulka ayaanu isna ballaadhin lahayn xoog dheeraad ahna sari lahayn iyo jaan-goynta miisaaniyadeed ee maamulku yeelanayo annagoo ay ahayd inaanu isu dheellitirno dakhliga iyo kharashaadka waayo waa furaha adeegyada ummadda loo qabanayo
Shacabka Xalaasha SSC:
Ma la odhan karaa shacabka SSC isagaaba hawlihii maamulka laga doonayey inteeda badan qabanayey oo idinka dheeraynayey, mid dooda, mid wax qora, mid wax bixiya, mid dabbaal-dega iwm?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Shacabku waa run oo waa dadaalay, hasayeeshee dhabtu waxay isugu biyo shubanaysaa waa jeebka, jeebkana waa ta la yidhi Dhulbahante hadduu gacantaba geliyo mas baa u fadhiya oo ka qaniina. Sidaadarteed annagu xaggiina ayaanu wixii baaqday u tirinaynaa, waaya-aragnimo yarida na haysateyna waxoogaa saamayn ah waa lahayd, waase mid wakhtiga socda lagaga bixi lahaa
Shacabka Xalaasha SSC:
Wax qabad waa meeshiise, xagga abaabulka iyo wacyi gelinta (organization and mobilization of the masses) ma u eg-tahay in qolada G6 ay ka muujiyeen rug-caddaanimo siyaasadeed iyo aqoon dheeraad ah oo la xidhiidha dhaqanka Soomaaliyeed?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Xaqiiqdii cid ka abaabul badan SSC ma jirin oo waa kuwii shacabka SSC dunida oo dhan kaga gariiriyey, beelaha jiiraanka ah ee damaca waalanna nakhaska ku dhejiyey kana hufay dhulkoodii intii badnayd. G6-na waxaanu ku siinaynaa A+ dhinacaas aad tilmaanteen. Arrinkuna ma aha hebel ayaa abaabul wanaagsan, waxa weeyaan shacabka SSC isagaa ewelba dhistay maamulka SSC, is-abaabulayey, halgamayey, yool uu higsado samaystay, haddii ay maanta G6 oon weli la hubin biya-dhacooda (waxaan ka ahayn beesha ayaa tashanaysa) u rixinayaan annagu kama horjoogno waana fiican tahay in midho gunti ku jira aan loo daadin kuwo geed saaran. Ugu dambayn (at the end of the day) shacabka rabitaankiisa ayaa meel maraya oo haddii ay ku qallajisanayaan inay ka war doonaan G6 talada ay waddo ee keenayso shacabku ha soo tijaabiyo, shacabku isagoo go’aanka leh haddana mar walba saxa ma doorto waxaa jira marar uu khalad doorto (uma jeedno G6 hawlaha ay waddo waa khalad), cidi isma hortaagi karto shacabka rabitaankiisa xataa haduu khaldamowuxuu ka helaa waaya-aragnimo. Annagu waxaanu leenahay keliya talada wax baanu ku leenahay ummadda iyo deegaankana masuuliyadeeda ayaa na saaran ilaa hadda ee ugu yaraan xitaa haddii xilka nala-kala wareegayo dariiq saxa ha loo maro oo ixtiraam leh (respectful)
Shacabka Xalaasha SSC:
Hadda ma waxaad na leedihiin shacabka SSC meeshii durbaan laga tumaba oo ciyaar laga oogo waa ku yaacayaan, haddii Isaaq tumo, haddii Majeerteen tumo, haddii mid SSC la tumo, haddii G6 tunto, iyo haddii kuwa kale la garaacaba? Shacabkan labada sano iyo bilaha uun soo jeedey, ma waxaad leedihiin xaalkiisu waa ninkii laga yara fiicnaa ee intuu lumay haddana la helay oo lagu farxay helitaankiisa ee dadkii weydiiyey maxaa lala faraxsan yahay? Ee lagu yidhi dee helitaankaaga, isaguna intuu iyagii la yaabay ugu jawaabay “oo maxaa la igaga rarayn berriba waan lumiye”, arrinkayagu ma sidaa baa oo wax kastoo la dhisay iyo wax kastoo gacanta lagu hayey waa qubayaa shacabka SSC, Dhulbahantena waa hanfade iska ordaya miyaa?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Maya, uma quudhno shacabkayaga tilmaantaas, waxaanse ka shakisan nahay in intii SSC ka soo horjeeddey isku urursadeen barnaamijka khaatumo iyadoo daacadnimada G6 aannaan shaki gelinayn, balse loogu soo dhuumanayo beeshu “square one” dib ha ugu noqoto oo G6 laftooda ay dhici karto in waa ku beryo, waxaana aanu doonaynaa in G6 ay feejignaadaan oo xisaabtu ka gedman
Shacabka Xalaasha SSC:
Waxaa jirta su’aal uu Shacabka SSC ku ciil qabo dibnahana la qaniinayo, waxay tahay waxaa la leeyahay G6 waxay doonayaan in si nabad gelyo ah SNM kaga baxdo deegaanada SSC ay gardarrada iyo baadilka ku joogaan, dinka waayo-aragnimadiina ma idinla tahay in taasi suuroobayso oo baryo iyo fudayd ay SNM xamaanteeda u raranayso? Sidoo kalena G6 haddii laga diido qorshahaas maxaa uga meel yaalla?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Waa su’aal dahab ah, kolley waa ogtihiin annaga, waxgaradka, iyo hoggaanka dhaqankuba arrintaas kala quusanay reerka gooni-goosadka ah, waana arrin fiican oo Bani-aadanimada, Islaamnimada, Soomaalinimada, iyo derisnimadaba ku wanaagsan, badbaadana u ah cid kasta. Su’aashaasna waxaa fiican inaad toos u weydiisaan G6
Shacabka Xalaasha SSC:
Wax ma akhridaan mana la socotaan wararka iyo faallooyinka idin khuseeya kuna soo baxa warbaahinta xalaasha SSC?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Saxaafadda Xalaasha SSC waaba isha ugu weyn een wararka kala socono
Shacabka Xalaasha SSC:
Ma aragteen sida saxaafaddeena xalaasha ahi u bislaatay ee iyagoo idin taageersan haddana u soo bandhigayaan ra’yiga la idinku dhalliilayo ama la idinku toosinayo?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Hambalyo ayaanu leenahay saxaafadda Xalaasha SSC, arrinkaasina wuxuu qayb ka yahay horumarka ay gaadhay SSC, waxaanu ku boorrinaynaa in bisaylkaas la sii xoojiyo oon fikirna la cabudhin waayo taasaa maslaxaddu ku jirtaa iyo in la helo talo kaa qarsoon oo saliim ah, fikirka qalloocanina meel gaadhi maayo ee loo badheedhayo ama garaadka qofkiisu sidaa yahay. Waxaanu doonaynaa annagoon ku tiigaalayn in aanu yara iftiimino siduu u khaldan yahay fikirka dadka ku doodaya haddii maamulka SSC shirka khaatumo kaga soo qayb galo maamul ahaan maxaa u diidaya dhulabahantaha la socda maamullada beelaha hareeraha inay kaga soo qayb galaan iyana maamul ahaan? Fikirka caynkaasi waa mid aad u liita waana mid doonaya inuu simo rabitaanka aqlabiyadda shacabka SSC iyo xayn yaroo awr kiraale fara-ku-tiris ah oo u adeegta dano shisheeye, wax suuroobayana ma aha haba-yaraatee. Middeeda kale ha illaawina Soomaali weligeed dimoqraadi ayay ahayd waxna la isuma qarin jirin hadal, dood, hees, gabay, buraanbur, iyo sheeko, iyo saxaafadda casriga tii la doonaba fikirka kala duwan ha la isugu gudbiyee iyo innagoo intaa ku darsanay khibradda caalamka reer galbeedka oo in badan oo inaga mid ahi leedahay waaya-aragnimadaas. Markaa mar labaad saxaafadda xalaasha SSC waanu bogaadinaynaa
Shacabka Xalaasha SSC:
Maxaa hawl ah oo immika maamulka SSC uu wadaa, waxaad mooddaa in sanqadhiinu aad u yar tahaye?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
hawlo badan ayaa socda
Shacabka Xalaasha SSC:
Wax ma nooga sheegi kartaan hawlaha socda, shacabku wuxuu leeyahay iska daa hawl socotee, xataa war saxaafadeed qoraal ama af ah ayaan la idinka hayn ood mooddaa sidaanu idiinka soo baxayn in jidhkiina laga soo jarayo kana baqaysaan xanuunkiisa?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Hawluhu waa badan yihiin dhakhsana waa u maqli doontaan kuwo badan aad ku faraxdaan
Shacabka Xalaasha SSC:
Shirka khaatumo 2 maxaa idiinka qorshaysan?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Arrinkaa waxaanu xidhiidh aan laga daalin kala samaynaynaa guddida aqoonyahanka G6, waana ku rajo weyn nahay in go’aan shacaka xalaasha SSC ku farxo una cuntama ay ku dhammaato
Shacabka Xalaasha SSC:
Ballankaa inaad si fiican oo dhakhso leh u oofisaan ayaanu idinku adkaynaynaa ee maxaanu idinkaga talo gallaa?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Waa ballan………
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>