Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

ICRC Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Duqeyn Lagu Qaaday Degmada Baardheere

$
0
0

Nairobi (RBC) Hey’adda ICRC ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay ku cambaareysay gantaalo ay diyaarado dagaal u geysteen Sabtidii goob lagu quudiyo hooyada iyo dhallaanka oo ku taalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
ICRC waxay duqeyntaas ku tilmaantay mid lagu soo beegay xilli ay cunno-yaraan ka jirto degmadaas, sidoo kalena ay baqdin ku abuurayso dadka halkaas ku nool oo la daalaa-dhacayay cunno yari.
“Waxaan ka walaacsannahay xalaadda degmada Baardheere,” ayuu yiri Pascal Mauchle oo ah madaxa Soomaaliya ee hay’adda ICRC, isagoo sheegay in duqeyntu ay sababtay in dhaawacyo ay gaaraan xarunta quudin ee Baardheere.
Hay’adda ICRC ayaa waxay ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku hardamaya dalka Soomaaliya inay xushmeeyaan howlaha hay’adaha gargaarka ayna xaqiijiyaan sidii loo nabadgelin lahaa shaqaalaha samofalka iyo shacabka, taasoo qayb ka ah axdiyada caalamiga ah ee dunida u yaalla.
“Duqeyntan waa mid aad nooga walaacisay waayo waxaa lagu soo beegay xilli la billaabay in la quudiyo dadka nafaqo-darro ay soo ritay,” ayuu yiri Mauchle. Sarkaalku kama uusan hadlin khasaaraha nafeed ee duqeyntu ay geysatay.
ICRC ayaa waxa ay sheegtay in hay’adda Bisha Cas ay Baardheere ku caawiso dad barakacayaal oo ka soo qaxay deegaannadoodii, ayna mudan tahay in taasi looga mahadceliyo.
Ugu dambeyntii, gantaallada ku dhacay xarunta Bisha Cas ee degmada Baardheere iyadoo aan cidna wax ku noqon ayaa haddana waxaa waxyeello gaartay xafiisyada iyo goobaha dadka lagu guudiyo.
Baardheere waxa ay ka mid tahay 10-magaallo oo dowlada Kenya ay sheegtay in ay duqeen doonto halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab oo dagaallo kula jira ciidamada Kenya ee ku sugan koonfurta Soomaaliya.
RBC Radio
——————–
Xafiiska Wararka Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>