Rome(Puntlandi.com) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aaden oo waraysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in kooxdii xildhibaanka ahayd ee sheegay inay xilka ka qadeen inay yihiin kuwo dambiilayaal ah, wuxuu yirir “Koosdaan intay isasoo urursadeen jabsaday albaabka baarlamaanka waa dambiilayaal dowdo wada”. wuxuu sheegay inuu isagu yahay Gudoomiyaha sharciga ah.
Mar waxlaga waydiiyay Qoraalkii madaxweynuhu kasoo saaray arintaan wuxuu Gudoomiyuhu sheegay inuusan arag qoraalkaas, balse mar wariyihii waraysanayay u akhriyay hadalkii madaxwaynaha ee ahaa dhacdadaan kuma cusubtahay baarlamaanka, wuxuu shariif Xasan sheegay inuu taas diidanyahay wuxuuna yiri “Arintaan waaku cusubtahay baarlamaanka in koox fowda wadaa ay qasaan Baarlamaanka sharcigana jabiyaan.”"
Mar wax laga waydiiyay tirada aysheegteen xildhibaanada Xilka ka xayuubshay oo ahayd 280 wuxuu yiri Shariif Xasan “Xildhibaanada waa la isyaqaan labo boqol iska daaye boqol xitaa ma dhamayn ”
kala soco Puntlandi.com wixii soo kordha khilaafka Baarlamaanka
Puntlandi.com
post@puntlandi.com
↧
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo markii u horeysey ka hadlay dhacdadii Baarlamaanka
↧