Gabiley(Saylac.com)- Xukumada Silaanyo ayaa wada qorshe dad lagu dajinayo degaanka Seemaal . Qorshahan oo hadda ka hor uu watey Taliyihii ciidamada Somaliland Nuux Taani oo ay wada shaqayn buuxda lahaayeen niman Tijaar ah oo dibada ku maqan ayaa waxa uu bilawday ka dib markii xukumadii Dahir Rayale ay gobolka siisey degmada Gabiley. Masuuliyiin xog ogaal ah oo saxaafada u waramay waxay sheegeen in sababta kaliya ee Nuux Taani shaqada uga tagay ay ahayd in xukumada Silaanyo fuliso qorsha u isagu watey oo ahaa in 4320 qoys la dejiyo degaanka Seemaal iyo Nawaaxigiisa .
Maanta waxa Gabiley ka bilawday wajigii hore ee mashruucan dejinta waxana lagu bilaabayaa 70 qoys o hadda ka hor ka yimid Harta Sheekha .
Hoos ka daawo shirka Jaraa’id ee dadka dejinayo Seemaal
↧
4320 Qoys oo Xukumada Silaanyo dejinayso Semaal iyo nawaaxigiisa
↧