Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Tottenham & Chelsea oo dhibcihii kala qaatay boosaska 3aad iyo 4aadna kala fariisatay

$
0
0


Tottenham Hotspur ayaa kaalinta 3aad ee Premier League ku fariisatay markii ay  1-1 bareejo ah la gashay kooxda booska 4aad ee Chelsea, ciyaartii ka dhacday garoonka White Hart Lane xalay oo khamiis aheyd.
Emmanuel Adebayor ayaa 8 daqiiqo markii ay ciyaarto socotay hogaanka u dhiibay Tottenham, hayeeshee Daniel Sturridge ayaa goolkii bareejada ahaa u dhaliyay Chelsea 15 daqiiqo kadib.
Chelsea qeybtii hore ee ciyaarta waxey dhaawac ku weysay —Branislav Ivanovic iyo John Obi Mikel—iyadoo bareejadaan ay u tahay tii 2aad oo isku xigta oo ay hesho , waxeyna 2 dhibcood ka sareysaa kooxda booska 5aad ee Arsenal hayeeshee 11 dhibcood waxey ka hooseysaa Manchester City.
 Tottenham waxey leedahay 35 dhibcood 16 kulan oo ay ciyaartay. Horyaalka waxaa hogaankiisa heysata Manchester City oo leh 44 dhibcood 17 kulan oo ay ciyaartay, 2 dhibcood waxey ka sareysaa Manchester United.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>