Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Guddoomiyaha degmada Waaberri: ” Raashiinka sidii loogu tala galay ayaan u qeybinay”

$
0
0

Maamulka degmada Waaberri ayaa faahfaahin ka bixiyay Raashiin gargaar ah oo shalay dadka deegaanka loogu qeybiyay gudaha degmadaasi, isagoo dhan kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo hay’addaha Samafalka in ay sii laba jibaaraan howllaha gurmadka ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Degmada Waaberri oo ka ah degmooyinka ay sida aadka ugu soo barakaceen dadka ay abaarta ka soo hayaamay, ayaa waxaa maamlmahan ka soconayay howllaha gargaar qeybin ah oo uu mamulka degmada halkaasi ka wada, kadib deeq Raashiin ah oo ay soo gaarsiiyay he’ayadda Samsam oo wakiil ka ah hey’ad  dalka Sacuudiga laga lee yahay.
Guddoomiyaha degmada Waaberri Axmed Meyre Makaraan “ Axmed Faal” oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u maraayaan howllaha gargaar qeybinta, isagoo xusay in Raashiin ay u qeybiyeen illaa iyo 1000, qoys, isla markaana ay sidii loogu tala galay Raashiinkaasi u qeybiyeen iyadoo ay aminiga  ay  sugayaan ciidammada Baliiska iyo Nabad Sugidda.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka Raashiinka loo qeybiyay ay yihiin dadka deegaanka maadaama ay yihiin dad u baahan in loo gargaaro,  isagoo tilmaamay in dadka barakacayaasha ay marar badan gaarsiiyeen gurmad aad u ballaaran, isla markaana ay sii wadayaan.
Dhinaca kale Axmed Faal guddoomiyaha degmada Waaberri ayaa ka codsayay dadka Soomaaliyeed iyo hey’addaha Samafalka in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan,  maadaama dadka weli ay u baahan yihiin in la garab qabto.
Maamulka degmada Waaberri ee gobolka Banaadir ayaa ku howllan tan iyo intii ay halkaasi ku soo barakacayeen dadaalka uu ugu jiro in dadka loo sameeyo adeegyada ay u baahan yihiin oo ay ugu horeeyaan qeybinta gargaarka la soo gaarsiinayo iyo dib u dajin loo sameeyo dadka halkaasi soo miciin biday.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         17124327760


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>