Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

uruka islamiga ah ee al-ictisaam ex (al-itaxaad) oo waji kale ku ku yimi garoomada siyaasada !!! Diyarye: naasir maxed (al-arabi)

$
0
0

 
barakutuh.
Salaantaa ka dib waxaan aad ula fajacay oo maankayga gali waayay markii aan daalacaday warbaahinta kala duwan ee ka soo baxda dalka Somaliland (ilahay ha ilaaliyee) kuwasoo qaadaa dhigaayay maal mahan dambe ururo diimeedyo soo galay garoomadii siyaasada una diga rogtay ururo siyaasiyiin ah.
Ururadaa waxaa ka mid ah ururka cusub ee la baxay ( zibulaah iyo bad baado) oo ka mid aha ururka xag jirka ah ee loo yaqaano (al-ictisaam) ex al-tixaad
 ururka Al-itaxaad oo ahaa urur diimeed laga asaasay sideetamaadkii gayiga soomalidu degto.
oo dad dan oo soomali ah dhiigooda naftooda iyo sharaftooda ku daadiyay gobolo badan sida gobolada bari iyo koonfurta Somalia. Iyadoo arintaas ay u arkayeen madaxda xizbugu inay arintaasi tahay (jihaaad fii sabiililaah).
Kooxdan ayaa waxaa ka mida mabaa diideeda khatarta ah.
1 – inay dadka  muslimiinta  ee somaliyeed  laynta ya laynayeen wakhtigaas ay ahayd (jihad) arintas oo ay ku cel celin jireen madaxda xizbiga ugu saraysa sida odayga loo yaqano (xasan dahir aways oo hada ka mid koox dhiigyo cabka ah ee (al-shabab) iyo ninka loo yaqaano (maxed idiris) oo mar ahaan  jiray hogaanka xizbiga, asal ahana ka soo jeeda wadanka  (Eritrea
) lakin hoyadi somalyad tahay.
2 – inay amin sanaayeen dhamaan madax waynayaasha wadadma islamka inay gaaloobeen iyado  arikaas  ay sabab uga dhigayay arimahan soo socda:
1 – inay wadamadooda ku maamulaan dastuuro, sharcigi ilahayna ay baal mareen.
2 – inay xidhiidh sokeeye iskaashi iyo dhaqaaleba  la yeesheen wadadma gaalada ah sida (maraykanka)
3 – inay ku soo dhaweeyaan wadamadooda kana dhoofaan markay hawlahooda shaqo gudanayaan.
2 – waxa ka mida mabaadiidooda in dimuquraadiyadu ay tahay gaalnimo wayn qofkastoo u ololeeya kuna maamula shacabka uu gaal diinta ka baxay.
Masoo koobi karo afkaartooda hadii aan intaas kagag gudbo.
Waxay maal mahan dambe geed dheer iyo geed gaabanba fuuleeen sidii ay maruun saaxada siyaasa axzaabta badan uga mid noqon lahaayeen.
Xukuumada hada jirta ee siilaanyo waxay naf iyo maalba u hureen sidii uu usoobixi lahaa(kulmiye) xiligii dooroshooyinka
Dabcan qayb libaaxle ayay ka qaateen waana arin cad oo aan marnaba la dafirikarin.
Kulmiya soo bax wana si duu rabay(al-itixaad ama al-ictisaam)
UGU DAMBAYNTII waxay kamid noqdeen xukuumada hada jirta ee dimuquraadiga ah ee xidhiidhka so keeye,iskaashi,dhaqaale laleh wadamada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan(UN,USA) !!!
Waxana kamid xubnaha dawlada dimuquraadiga ah ee xidhiidhka fiican la leh gaalada ku jirta
1 – wasiirka madax tooyada  (MR xirzi)
2 – wasiirka diinta iyo awqaafta (MR khalil)
3 – wasiirka gamacsiga (MR: abdi razaaq)
4 – ku xigeenka 2aad ee wakiilada (MR:abdi aziz samaale)
TOLOW HADABA MAXAA IS BADALAY:
TOLOW ma xizbiga (al-itaxad ama                   al-ictisaam) ayaa mawqifkiisii xag jirka ahaa ka tanaazulay oo dimiquraadiyadii iyo daskuurkii daaquutka ahaa ogolaaday.
TOLOW ma xukuumada siilanyo hogamiyo ayaa dimuquraadiyadii,dastuurkii sharciga khilaafsanaa iyo xidhiidhkii sokeeye ee  ay gaalada la lahayd meesha ka saartay.
 
Dood furan ……
Diyarye: naasir maxed (al-arabi)
Tell: +254-722-14-66-50 mobile.
Email:naasir-9@hotmail.com
Nairobi Kenya.
  
————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles