Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

WAXAA LAGU OGAA DAGAAL OOGE-NIMO RAGGA EE HADA WAXAA SOO IF BAXAYA DUMAR DHIIG U CIIL QABA By: “jamal adam

$
0
0

 
Marka hore waxaan salaan hawada u marinayaa inta nabada, wanaaga iyo khayrkaba jecel doonaysana in nabad lagu wada noolaado danaysana qiimaha iyo qaaliga ay inagu joogto nabadgelyadu. Waxaan kale oo halkan ka salaamayaa dadweynaha reer awdal ee nabada jecel kuna gaadhay guusha iyo in ubadkoodu ka faa'iidaystaan nabadaa wax barashadana ka gaadhaan heer waana waxa alle (sw) loogu mahad naqo. Hadaba beryahan waxaa soo if baxaya dad ragg iyo dumarba leh oo ay dhibayso nabad gelyadu dhegtana dad dano kale wataa dabada ka soo riixayaan aflagaadona u gaysanaya dadkooda iyo dadka kaleba. Waxaan filayaa waqtigii la odhan jiray qabaa'il ha laysu dilo S/land way dhaaftay waana laga gudbay dadkuna dantooda iyagaa inaga og.
 
Hadaba walaashay oo qof dumara ah in ay maanta wax baan xoraynayaa tidhaahdo waxbaan dilayaa, reer booramaan xoraynayaa oo waxay ku jiraan gumaysi waana arrin aad looga xumaado waxaa kale oo aad moodaa dadkan ka hadlaya idaacadaa in aanay ogayn in dad ku dhiman karo afkooda waayo horaa loo yidhi "Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara" . Hadaba dadkan qurba joogta ah ee ay ka mid tahay gabadhan oo isku magacawday afhayeenka Awdal State Sahra jibriil in ay xoraynayso dadka la gumaysto waxay kaloo sheegtay in reer hargaysa aanay ka xishoon magaca Mujaahid  iyadoo dadka reer garoowe aanay isku tilmaamin mujaahidiin iyagoo la dagaalamay dawladii xasuuqa ba'an ka gaysatay dhulkii waqooyi si araxan dara ahna ula dhacday madaafiic iyo dayaarado.
 
Iyadoo ay cadaan iska tahay in dadkan dabada laga soo riixayo ayna u badan yihiin wax magarato dumar iyo dulaaliin u badan aqoona aan lahayn nolosha qurbaana quus ka is taagay waxay miciin bideen ka dhex shaqaynta dadka walaalaha ah ee wanaaga ku heshiiyey waayo 10 sanno ayuu Madaxweyne Daahir Riyaale xukumayey meesha ay maanta Gabdhan lacagtii caydhu ku filaan weyday ka leedahay wax baan xoraynayaa. bal hadaba gabadha dhegayso tawaawceeda iyo qabyaalda aan geedkaa gaadhsiisnayn ee ay kula dhex meeraysanayso dadka dhegaysi haboon.
 
http://taleex.net/wp-content/uploads/2011/12/469.mp3
————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>