Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa taageeray howl galada ammaanka iyo xasilinta ee ka socda Gobolada dalka Soomaaliya, iyagoo soo dhoweeyay deegaanada iyo goobaha ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Bayaan ka soo baxay Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in howl galada uu yahay mid dalka lagu xoreynayo, isla markaana kooxaha nabad diidka ee dalka degenaanshaha u diiday looga sifeynayo.
“Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna wuxuu taageerayaa howl galada dib looga xoreynayo dalka kooxaha nabad diidka, waa in shacabka Soomaaliyed u midoobaan sidii kooxahaas dalka looga saari lahaa”ayaa lagu yiri Bayaanka.
Culimada ayaa ugu baaqay shacabka in Ciidamada Dowladda ay ku taageeraan howl galadaas, isla markaana la garab taagnaadaan dadaalada ku aadan sidii looga xoreyn lahaa Gobolad adalka.
Bayaanka ayaa si diiran lagu soo dhoweeyay tallaabadii Ciidamada Dowladda KMG ku qabsadeen Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, waxaana ay ku amaaneen shacabka deegaanada sida ay u soo dhoweeyeen.
Dhinaca kale Culimada ayaa sheegay in Al-Shabaab qatar ku tahay dalalka Geeska Afrika ilaa Caalamka, isla markaana ay soo dhoweynayaan in dalalka deriska ay ka caawimaan Ciidamada Dowladda sidii ay dalka uga saari lahaayeen dalka Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka deriska ah.
↧
Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay Howl galada ammaanka iyo xasilinta Soomaaliya
↧