Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xukuumada Turkiga oo xabsiga dhigtey taliyihii hore ee ciidamada.

$
0
0

Taliyihii hore ee ciidamada dalka Turkiga Gen Ilker Basburg ayaa xabsiga loo taxaabay isagoo loo haysto dambiyo ah in uu ka qeybqaatay isku day lagu doonayay in lagu rido xukuumada Turkiga.
Gen Basburg oo is casiley sanadkii 2010ka ayaa ah mas’uulkii ugu sareeey ee loo xiro shabakad la magacbaxday Ergenekon.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in sanadkii 2003dii siyaasiyiin ka soo horjeeday xukuumada R/wasaare Recep Tayyip Erdogan ay doonayeen inay xukunka ka tuuraan. Hase yeeshee Gen Basbur ayaa beeniyey eedeymahaa loo soo jeediyey. Illaa afar boqol oo ruux ayaa loo haystaa inay kulug lahaayeen iskudaygaas lagu doonayay in lagu rido Erdogan.
Wadanka Turkiga oo leh Milatariga ugu ballaaran marka laga reebo Maraykanka ee ku jira gaashaanbuurta Nato ayaa ka hortagay afgambiyo la doonayay in lagu rido xukuumada intii u dhexeysey 1960 iyo 1980.
Taliyihii hore ee ciidamada Turkiga ayaa lagu xirey xabsiga Silivri ee ku yaal magaalada Istanbul saaka aroornimadii kadib markii la baaray caafimaadkiisa.
Idaacada dowlada ay gacanta ku hayso ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horeysey ee sarkaal sare oo taliye ciidan ka soo noqday dalka Turkiga la geeyo maxkamad isagoo loo haysto dambi.
Gen Basbug ayaa laga yaabaa in lagu soo oogo dambi ah hogaamiye kooxeed iyo isku day ah inuu afgambiyo dowlada.
 13ruux oo loo haysto dambiyo ayaa waxaa ka mid ah weriyayaal caan ka ahaa dalka Turkiga oo ay kamid yihiin Ahmet Sik iyo Nedim Sener iyo qoraaga Yalcin Kucuk.

Mr Sener ayaa waxa uu kuguuleystay abaalmarinta loo yaqaan press freedom award isagoo ku helay buug uu ka qoray dilkii weriye ka soo jeeday qowmiyada Armeniaan ee Hrant Dink.
Ugu yaraan 100 saxafiyiin ah ayaa ku xiran dalka Turkiga, ururka suxufiyiinta Turkiga oo ka hadlay xariga loo geystey saxafiyiintan ayaa kutilmaamay inay tahay “Jawi Cabsi”.
Boqolaal saraakiil ciidamo ah ayaa sidoo kale loo haystaa dambiyo ku lug leh afgambi dhicisoobay ee sanadkii 2003da. Waxayna taasi sababtay inay is casilaan taliyaashii ciidamada badda,dhulka iyo cirka ee dalka Turkiga.
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>