Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ra’iisul Wasaare C/wali Gaas oo Magaalada Beledweyn kulamo kula leh, Saraakiisha iyo qeybaha bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo barqanimadii maanta gaaray Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa kulamo la leh Saraakiisha Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya iyo Qeybaha bulshada, sida Odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta.
Dr. C/wali Gaas oo safarkiisa ay ku wehliyeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Jahweyn, Wasiirka Badroolka iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay mid uu ugu kuur galayo xaalada ammaan ee Magaalada iyo howl galada Milateri ee sida wada jirka u wadaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa saaka waxaa Labo Diyaaradood oo Helicoptero ah ay ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaasoo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, iyadoo ka degtan Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.
Kulan ayaa Ra’iisul Wasaaraha kula qaatay Xarunta Jaamacada Beledweyn Odayaasha deegaanka, Saraakiisha Maamulada iyo  qeybaha bulshada, iyadoo Dowladda ay ugu deeqday Isbitaalka Beledweyn daawooyin fara badan oo loogu tala galay in lagu daweeyo bukaanada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir jaraa’id goor dhow uu u qabto Wariyeyaasha, si uu uga warbixiyo safarkiisa, waxaana lagu wadaa inuu booqdo qeybaha magaalada iyo xeryaha Ciidamada ay ku jiraan.
Gelinka dambe ee maanta ayaa la sheegayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu dib ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu qorsheynayo inuu magacaabo Maamul KMG ah oo howlaha Gobolka Hiiraan sii wada, si meesha uga baxdo is qab qabsiga dhinaca maamulka ee dhinacyada Magaalada ku wada sugan haatan u dhaxeeyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa ah markii u horeysay oo meel ka baxsan Magaalada Muqdisho ku tago, gaar ahaan dhulka laga xoreeyay Al-Shabaab, iyadoo tani ay muujineyso dadaalka Dowladda ku xoojineyso howl galada milateri ee ka socda Gobolada dalka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>