Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ay ku wajahan yihiin Gobolada dalka ka haray, kadib markii dhowaan deegaano dhowr ah lagala wareegay Xarakada Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshada inay Ciidamada is bar bar-taagaan.
Khudbad uu shalay ka jeediyay Madaxweynaha Munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir ayuu sheegay Madaxweynaha in Ciidamada qalabka sida ay gaari doonaan deegaanada ku haray gacanta Al-Shabaab.
“Ciidamada qalabka sida waxay ku wajahan yihiin Gobolada intooda hartay, inay ka saaraan cadawga Ilaah idinkiisa”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo fariin u diray Ciidamada Dowladda ee howl galada ka wada Gobolada dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la gaaray xilligii dalka horumar iyo wax soo saar u sameyn lahaa, isla markaana ka bixi lahaa dhibaatooyinka abaaraha ee dalka ka jira, marka dalka oo dhan la xoreeyo sida uu yiri.
Shariif ayaa sheegay in dhamaan marka Al-Shabaab laga xoreeyo dalka ay dhisi doonaan Maamulada Gobolada iyo degmooyinka, si cadaalada iyo Midnimada ay u taagnaato sida uu yiri.Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga digay Ciidamada qalabka sida inay dhibaato u geystaan dadka shacabka, waxaana uu ugu baaqay inay shacabka u turaan, ayna soo dhoweeyaan sida uu yiri.
Hadalka Madaxweynaha Shariif ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda KMG ay ka wado Gobolada dalka howl galo milateri oo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab, iyadoo Ciidamada Dowladda ay la wareegeen deegaano dhowr ah.
↧
Madaxweyne Shariif “Ciidamada qalabka sida waxay ku wajahan yihiin Gobolada intooda hartay, inay saaraan cadawga”
↧