Dowladda Uganda ayaa waxay shaaca ka qaaday inay soo wajahday arin dareen culus leh, kadib markii ay ka war heshay in Xarakada AlShabaab ay damacsan tahay, inay qaraxyo waaweyn ay ka geysato gudaha dalka Uganda.
Ku Xigeenka Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Uganda General Ivan Coretta oo ku sugan Wadanka Marocco, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay ka war helleen in Xarakada Al Shabaab ay qorsheyneyso qaraxyo waaweyn oo ay ka geysato gudaha dalka Uganda, gaar ahaan Magaaladda Caasimadda ah ee Kampala.
Wuxuu tilmaamay in Xoogaga Shabaab ay yihiin kuwo argagaxiso ah, wuxuuse xusay inay mar walba doonayaan sida uu sheegay inay dhibaato ka geystaan Qaaradda Afrika, balse wuxuu qeexay inay taasi kahor taggi doonaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu kaloo uu sheegay in Dowladda Uganda ay Wadamada Qaaradda Afrika kala kaashaneyso dhinaca Sirdoonka, si buu yiri looga hortaggo weerarada ay maleygeyso kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab.
General Ivan Coretta ayaa wuxuu tibaaxay in Dowladda Uganda ay si kastaba uga hortaggi doonto weerarada ay qorsheyneyso Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in mid meesha ku jirto ay tahay in la-wiiqo Al Shabaab.
Iskusoo wada-duuboo Ku Xigeenka Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Uganda General Ivan Coretta, ayaa wuxuu Dowladda Marocco uu ka dalbaday inay gacan ku siiso, sidii Xarakada Al Shabaab looga ciribtiri lahaa Geeska Afrika oo dhan, si markaasi ay meesha uga baxdo cabsida laga qabo Al Shabaab.
↧
Xarakada Al Shabaab oo damacsan inay qaraxyo cul culus ay ku gil gisho Magaaladda Kampala “Top News”
↧