General C/Kariin Yuusuf Aadan ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay isa soo tarayaan guulaha balaaran ee dagaalada looga gaaraayo Xarakada Al Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in Xarakada Al Shabaab ay soo wajahday arin xasaasi ah.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, oo markale Saxaafadda la-hadlay, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay guulo muhiim ah ay ka gaareyn Xarakada Al Shabaab.
Abaan Duullaha ayaa wuxuu sheegay in dagaalada shalay Shabaab looga sifeeyay Magaaladda Muqdisho oo dhan, isagoo intaasi ku daray in goor dhaw ay taggi doonaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya oo dhan, isagoo markaasi sheegay inay baacsanayaan Al Shabaab.
General Dhaga Badan ayaa wuxuu xusay inaysan faro ka qodneyn dagaalada ay xilligaan kula jiraan Al Shabaab, waayo buu yiri dagaalada maaha mid ku koobnaan doono goobihii shalay looga saaray oo dhan, isagoo intaasi ku daray inay taggi doonaan meel walba oo ay jooggaan Ciidamadda Al Shabaab.
Sidoo kale wuxuu qeexay in dagaalada Shabaab ay ka soo gaareyn khasaarooyin culus oo baaxad leh, isla-markaana wixii dhibaato ah oo ay u geysteen shacabka Somaliyeed, ayaa wuxuu sheegay inay ka aar-gudayaan Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, ayaa wuxuu ugu dambeen uu Ummada Somaliyeed uu ugu baaqay inay taageeraan Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed.
↧
General Dhaga Badan oo sheegay inaysan faro ka qodneen dagaalada culus ee xilligaan lagu qaaday Al Shabaab
↧