Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Al-Shabaab Oo Qiratay Jabkeeda

$
0
0

Muqdisho – GMN - Al-Shabaab, ayaa si naf lacaari ah u sheegatay inay guulo aan muuqan ka gaareen dagaaladii qaraaraa ee shalay looga saaray fariimihii ugu dambeeyey ee ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.
Afhayeenka dhanka Howlgalada Al-Shabaab Sh C/Casiis Abuu Muscab Abuu Muscab ayaa sheegay in Dagaaladaas ay dhankooda guulo ka gaareen.
Waxaa uu sheegay in dagaalo xoogan looga soo qaaday jihooyin badan oo Muqdisho ah, iyagana ay xireen wadooyinka laga soo xiray waarkood, ayna fasaxeen jidka aada Dhanka Jaamacadaha Muqdisho.
“Waxay isdku dayeen [AMISOM] inay dhul ballaaran isku dayaan iyagoo weerarka ka soo qaaday nawaaxiga Jaamacadii Muqdisho illaa warshada Baastada wayna ku jabeen xaqiiqdii oo dhibaato xoogan ayaan u geysanay” ayuu yiri abuu Muscab.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa Tilmaamay in ay sax tahay in deegaano laga qabsaday, laakiin aysan ahayn sida loo sheegayo.
“Waan wadaynaa dagaalada waxaana ognahay in ay cadwga ku jabeen kii shalay oo askar badan laga dilay gaadiidna laga gubay’ayuu Abuu Muscab Tilmaamay.
Dhinaca kale Taliska Dowlada KMG iyo kuwa Amisom ayaa guulo ka sheegtay Dagaalkii ka dhacay Degmooyinka Yaaqshiid, Hurwaa iyo Dayniile.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>