Waxaa markale laga cabsi qabaa in dagaalo faraha looga gubto ay ka dhacaan Magaaladda Muqdisho, kadib markii shalay dagaalo culus meelo badan looga qabsaday Xoogaga Xarakada Al Shabaab.
Gurmadyo xoogan oo taageersan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ka kala imaanayaan qeybaha kala duwan ee Goboada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, waxayna doonayaan inay dib u soo ceshtaan meelihii shalay dagaalada looga qabsaday.
Wararka ayaa waxay sheegayaan ilaa 5,00 oo dagaal-yahano oo taageersan Xarakada Al Shabaab inay saacado kahor ka kala yimaadeen Degmooyinka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ku yaalla.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan inay ku soo qul qulaayaan duleedka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyagoo markaasi doonaaya inay dagaalo toos ah ay kala horyimaadaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu maanta Saxaafadda uu u sheegay, inay dib u soo ceshan doonaan goobihii shalay dagaalada xoogan looga qabsaday.
Ugu dambeen Sheekh Abuu Muscab ayaa wuxuu ku hanjabay inaanan weli dagaalada lagu kala bixin, isla-markaana wuxuu ka dhawaajiyay inay diyaar u yihiin, sidii ay u soo ceshan lahaayeen goobihii shalay laga qabsaday.
↧
Al Shabaab oo ay ka soo yeertay hanjabaado culus iyo gurmad xoogan oo u yimid “Warbixin Xasaasi ah”
↧