Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Al-Shabaab oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay gaareen halkii Ciidankii Itoobiya ku sugnaayeen

$
0
0

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalada Muqdisho uu weji cusub galay, cadawgana uu bilaabay inay awoodooda ku baahiyaan Magaalada oo idil.
War saxaafadeed ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay gaareen halkii ay Ciidankii Itoobiya ee Muqdisho qabsaday sanadkii 2007-dii gaareen.
“In Ciidanka Cadawga is baahiyaan oo awoodiisa ku baahiyo magaalada, waxay dan u tahay cidii bilo ka hor magaalada ka baxday, iyagoo aan wax awood ah loo sheegan”ayaa lagu yiri qoraalka saxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dagaalka Xarbul Cisaabaadka uu saddex marxaladood u qeybsan yahay, oo mid walba dhib ku yahay awooda nidaamiga ah.
1-Waa in dagaalka Waqtiga loogu dheereeyo cadawga si ay u nacaan dagaalka oo ay u daalaan ayna ka quustaan dagaal halka ciidanka awoodda yar ee saanta Fudud ay caaboon yihiin ayna doonayaan xaqiijinta Mabda’ooda.
2- Marxaladda Labaad waa istinzaaf ama Dhiig-bax waa marxad aad u adag oo cadawgu xeryaha ku soo koobmaan ayna dhiig bax ugu dhintaan xeryahooda.

Marxaladan waa Marxaladda ugu wanaagsan ee Shabaab ama cid walba oo awood yar ee ka horjeedda quwad Nidaami ah oo macnaheedu yahay ciidan Saddex jiho ka dhisan oo dowli ah sida Ciidanka Badda, Barriga iyo Cirka.
Ciidankii Itoobiya ee Muqdisho qabsaday waxay mareen marxaladahan markii dambana iyagoo dhiigoodu shubmayo ayay isaga bexeen Muqdisho iyo gobolada dalka.
3-Waa soo afjarid la soo afjarayo cadawga maadaama ay dhan walba ka jabeen, mujaahidiinta ayaa marxaladaasi heli doonaan hub iyo dhaqaale xoogan maadama ay gaareen wixii ay u soo halgamayeen isku dheeli tirsanaan ayaa dhacaysa waxaana sharciga alle lagusoo rogi doonaa meelaha ay cadawgu kabaxaan.
Marxaladahaan aan soo sheegnay waxaa maraxalad cadaw walba oo dal ku duula uu maro waxaana soo maray ciidanka Mareykanka Ciraaq ku duulay hadda  waxaa marxaladan ku sugan ciidanka Mareykanka ee Afghanistan.Taalibaan waxay cadawga ku qasabtay in ay ku sugnaadaan saldhigyadooda mana awoodaan cadawgu in ay dhaq dhaqaaqyo sameeyaan.
Xiligii Itoobiyaanka ayay tijaabada nuucaan ah soo martay Soomaalida taasi oo ka dhigtay in weligood aysan ka welwelin cadaw ku soo duulo dalkeena Soomaaliya.
War saxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli shalay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM isku fidiyeen qeybo hor leh oo daafaha iyo duleedka Magaalada ah, kadib markii ay gaareen goobo aanay horay u joogin.
Marka loo eego la wareegida goobaha cusub oo ah dhul ballaaran oo howd ah waxay calaamad su’aal saareysa sida Ciidamada u xajistaan difaacada aagagooda, isku xirka sahayda iyo saadkooda, waana hubanti in Ciidamada AMISOM ay weji cusub oo dagaal ay galeen


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>