Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray inta badan Macllimiintii malcamadaha Quraanka Kariimka ah ee gobolka Shabeellada Hoose wax ka dhigi jirtay.
Macallimiintan oo maalmihii la soo dhaafay koox-koox u soo geliyay magaalada Muqdisho ayaa iyagoo weli baqdin qaba waxay warbaahinta qaarkood u sheegeen inay ka soo baxdeen maamulka al Shabaab ee gobolka oo macallimiintaas amaro ku soo rogay.
Macallimiintu waxay sheegeen in kadib markii al Shabaabku amreen in albaabada loo laabo mudo kooban Dusgiyada Quraanka lagu barto ee gobolka si macallimiinta loo siiyo carbis la xiriira jihaadka lagu amray qaarkood inay gobolka ka tageen halka qaar kalana ay naftooda la soo baxsadeen.
Firxadka ay macallimiintii dugisyada Quraanka ee gobolka Shabeellada Hoose ka soo firxanayaan deegaanadoodi ayaa ka dambeeyay amarkii maalmo kahor ka soo baxay al Shabaabka gobolkaas ka taliya, amarkaas oo macallimiinta farayay inay dugsiyada xiraan mudo kooban kadibna soo qaataan tababar ku saabsan dagaalka Jihaadka ay al Shabaabku ku sifeeyaan ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.