Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Hay'adda QM ee OCHA oo Warbixin ka soo saartay Somalia

Heyadda xidhiidhinta arrimaha gargaarka iyo banii'aadminnimada ee Somalia, OCHA, ayaa warbixinteedii ugu dambaysey ku soo qaadday tarxiilinta barakacayaasha, dabka iyo dabaylaha xagaaga, iyo dagaallada koonfurta.

Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay Puntland, gaar ahaanna
magaalaa Bosasso, oo laga tarxiiliyey dad kun qof ku dhawdhaw oo
badankoodu u dhashay koonfurta Somalia, ahaana dadkii ka soo qaxay ee
dagaallada koonfurtu soo bara kiciyeen. Dadkaasina waxa dib loogu
celiyey degaannada koonfureed ee Galkacyo.

Puntland waxay sheegatay inay tallaabooyinkani u
qaadayso sababo la xidhiidha xagga sugidda nabadgelyada gudaha, ka dib
markii la ogaaday in dhibaatooyin badan iyo dilal kaga imanaaa kooxaha
xag jira ee ka dagaallamaya koonfurta Somalia, in loogu soo dhex dhuunto
dadkan soo barakacay.

Laakiin he'adda UNHCR ee qaramada Midoobey u
qaabilsan qaxootiga ayaa muujisay walaaca ay ka qabto dhibaatooyinka soo
gaadhi kara barakacayaashaasi dib loogu celinayo degaannadii ay ka soo
qaxeen ee dagaallada iyo deganaansho la'aanta, waxayna UNHCR ay ugu
baaqday maamulka Puntland inay joojiyaan tarxiilka noocan ah

Dabka dabaylaha xagaaga

Image may be NSFW.
Clik here to view.
dabka xerooyinka qaxootiga

dabka xerooyinka qaxootiga

Dhinaca kale, warbixinta OCHA waxa kale oo ay so
qaadday xaaladda la soo gudbonaatay barakacayaal dhawr kun ah oo
xerooyinkii ay ku jireen ay basbeeleen, ka dib marki dab uu qabsaday
xerooyinkaasi, dabkaasi oo aad u hura, una faafa xilligani ay jiraan
dabaylaha xagaagu

Xerooyin ku yaalla agagaarka magaalada Bosasso
ayaa wabixintu ay sheegtay in toddobaadkii aynnu soo dhaafnay ay ku
guryo beeleen ilaa kun qoys oo qaxooti ahaa, dababkaasi kacay awgood.
Koonfurta Galkacyo ayaa waxa iyana ku gubtey ilaa 35 guri-qoys.

OCHA waxa sheegtay in UNHCR ay u qaybisay
barkacayaashaasi Bosasso ee dabku baabiiyey, taakulayn iskugu jirta baco
iyo gogol, iyo biyo-dhaamis, lana gaadhsiiyy ilaa 1450 qoys (8000 oo
qof)

Dagaallada Muqdishu iyo Bakool

Image may be NSFW.
Clik here to view.
dhaawaca rayidka

dhaawaca rayidka

Warbixinta OCHA waxa kale oo ay ka hadashay
dagaallada koonfurta iyo barakaca, gaar ahaanna duqaymihii ka dhacay
magaalaa Muqdishu toddobaadyadii dhawaa oo ay ku dhinteen ilaa 40 qof oo
rayid ah, in badan oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbixintu waxay sheegtay in laga soo bilaabo
bishii July ee sanadkani, in dad ka badan 26 kun qof ay ku barakaceen oo
ay ka qaxeen magaalada Muqdishu.

Dhinaca kale, dagaallo kale oo la sheegay inay
ka dhaceen bishan afarteedii, degaanno ka tirsan gobolka Bakool, ayaa
waxa ka yimid khasaare xagga dadweynaha ah oo lahaa dhimasho iyo barakac
intaba. Dagaalladaasi oo la sheegay inay u dhaxeeyeen ururka al_Shabaa
iyo ciidamo taageersan dawlada ku-meel-gaadhka ah iyo itoobkiyaan
caawinaya, waxa la sheegay inay ka dhaceen degaanka Yeed oo ka tirsan
degmada Rabdhuurre.

Waxqabad iyo qorshe gargaar

Warbixinta OCHA waxay intaasi ku dartay in
bishii hore dhamaadkeedii, hey'adaha gargaarku ay dhamaystireen qorshaha
garagaarka banii'aadminnimad ee Somalia, kalana qoondeeyeen gargaar
dhan ilaa 20 milyan oo dollar, kuwaasi oo la kala gelinayo mashaariic
iskugu jirta xaga nafaqada, caafimaadka, beeraha iyo xolaha, iyo
adegyada kale ee asaasiga ah.

Waxa kale oo warbixintu ay sheegtay in
kulannadii wadatashiga Hey'adaha iyo dhinaca kale Somalida, in bishan
gudaheeda lagu kala qaban doono magaalooyinka Hargeysa, Garowe, iyo
Nairobi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles