Salaadii Jimcaha ee maanta ka dib ayuu Madaxweyne Faroole Jameecadii la tukatay u sheegay in Shiikh Atam ay buuraleyda Galgala xoog uga saarayaan.
Faroole oo aad u xamaasadeysnaa ayaa maanta shacabka Reer Puntland gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanada uu ka soo jeedo islamarkaana ciidamada ku heysto Shiikh Atam ku wargeliyay in dagaal wax aan aheyn aan lagu xalin karin xiisada ka dhex aloosan Maamulkiisa iyo Hogaamiye dagaal/diimeedka Shiikh Atam.
"Nimankaas waxay doonayeen in ay Boosaaso qabsadaan ka dibna deegaanada kale ee Puntland qaraxyo ka fuliyaan laakiin waanu ka dhiidhinayay hadana waxaa nloo balan ah dagaal" Sidaas waxaa Jameecadii la tukatay Salaadii Jimcaha ee maanta u sheegay Madaxweynaha maamulka Puntland.
Shiikh Atam iyo dagaalyahaniinta uu hogaamiyo ayaa dhankooda ku doodaya in ay u dagaalayaan hirgelinta Shareecada Islaamka balse aysan wax xiriir dhow ah la laheyn xoogaga ka dagaala Koonfurta Soomaaliya.