Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Beledweyn Qaraxii Saaka Kadib

$
0
0

Ciidamada Dowladda ayaa howgallo ka wada magaalada Beledweyn kadib Qarax saaka ka dhacay magaaladaasi.
Braqanimadii maanta ayaa ciidamada dowladdu waxa ay howgal ka billaabeen xaafadda Xaawo taako ee magaalada Beledweyn halkaas oo uu saaka ka dhacay qarax lala beegsaday ciidamada Ethioan, waxaana howlgalkaasi ay ciidamadu ku soo qabqabteen tiro dad ah oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.
Dadka lagu soo qabtay howlgalka ayaa waxaa la geeyay saldhigga booliiska in kastoo xaafadda Xaawo taako oo qaraxu ka dhacay ay haatan ku jirto bandow ay saareen ciidamadu, waxaana qaraxii saaka ku geeriyooday ilaa iyo Afar Ruux sida uu ku soo waramay wariyaheenna gobollada dhexe Maxamed Cabdi.
Qaraxan ayaa noqonayaa kii Sadexaad eee ka dhaca Beledweyne tan iyo markii ciidamadu ay magaaladaasi ka saareen Shabaab.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles