Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Hadii Bidaar aad wadada lamariweyse Daawadaan raadso

$
0
0

Tv-yadda war-geysyada iyo dhammaan war-baahinta caalamka ayaa baahinayay maalmahan siiba war-baahinta Dalka lubnaan oo ay ku sheegayeen in kaadida geela faa’iido weyn u tahay timaha qofka isla-markaana Xoojineysa awooda timaha iyna qur-xineysa kaadidad geela

Hayeeshee dadka caalamka ku dhaqan qaar ka mid ah waxa ay ka cawdaan timahooda oo uu ku yimaada xanuun Kala fir-dhiya ama kala daa’diya halka qaar kalana dhibaato kula kulmaan bidaarta waxaana ay ku dayayaan Daawooyin badan oo ka sameysan walxa kiimiko ah waxaase jira wax-yaabo dabiici ah oo lagaga hor-tagi karaayo Daa’dashada timaha
Hayeeshee daawadan kaadida geela laga sameeyo ayaa la aamin-sanyahay inay adkeyso ama xoojiso timaha qofka bini’aadamka ah isla-markaana yareyso xaddiga timaha ee lumaya taas oo timaha ka dhigta qaab muuqaal ahaan aad uqurux badan
Sanadii 2008-dii mid ka mid ah war-baahinta caalamka ugu afka dheer ee alcarabiya ee laga leeyahay dalka Boqortooyadda sacuudiga ayaa baahisay in gaadida geela laga helo faa’iidooyin dhanka timaha ah waxaana ay Sheegtay alcarabiya in timaha si loo bal-ballaariyo loo is-ticmaalo kaadida geela
Hasa-ahaatee markii arintan ay soo if-baxday dhammaan dadka dhaqda geela ee ku nool baadiyaha dhulalka Carbeed ayaa la sheegayaa in ayba keediyeen kaadida geela isla-markaana liitirkii gaadi ahba lagu-kala Iibsanaayo lacag dhan 20 riyaal una dhiganta 5 dollar oo ah lacagta mareykanka
Sidoo kale qubaro caafimaad ee u dhalatay dalalka carbeed iyo dalalka reer gelbeedka ayaa is isku mid ah Uwada sheegay faa’iidada laga helo gaadida geele in kastoo ay ka dhiidhiyeen urka kaadidad oo ay ku sheegeen In ay aad u ur badan tahay balse waxa ay tallo ahaan u soo jeediyeen dadka si-ticmaalaya kaadidad geela in ay U dul qaataan urta inta ay daawo ahaan u is-ticmaalayaan isla markaana ay adeeg-sadaan walxaha urka Baa’bi’iya.
hadaba Dalka Soomaaliya waxa uu kamid yahay Dalalka ugu horeeya ee Dhaqashada Geella iyadoona daqiiqad walbo la heli karo Kaadida Geelka si ee u isticmaalaan dadka Bidaarta ee dhibku ku heeso ama timaha ka daateen hadii ee saxtahay in daawo ahaan loo isticmaalo Kaadida Geella
Abdi Nasir Ahmed Aden
naasirdc@hotmail.com
Doha-Qatar


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>