Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

ASTAADKOO KU CAYNSHIYO ANOO KU CAFA MOOYAANE WALEE CAAFIMAAD UMA FADHIDID CALIYOW BUUHOODLE By: haybe yusuf

$
0
0

Ugu horayn waxan halkan hambalyo aan lasoo koobi karin uga dirayaa dhamaan mujtamaca reer somaliland gudaha iyo Dibedaba, hambalyo midaas la mida waxan u dirayaa bahweynta saxaafada reer somaliland ee dimuqradiyada jecel badana,


Ujeedo= maqaalkaygan oo caawa  aan ku iftiiminaydhibaatooyinkii dhowaanahan ka dhacdhacayay jeedahan bariga somaliland waxan ugu Horayn baaq nabadeed u dirayaa shacabka reer buuhoodle ee wakhtigan danbe lasoo baxay inay mucaaradad ku sameeyaan dawlada somaliland , waxanan Odhan lahaa wakhtigan waa la dhaafay oo waxa tihiin leyd, dagaalkana dee waxaynu ognahay in wiil uun ku dhinto laakiin wiil kuma dhasho Markaa waxan odhan lahaa xabada halaga waantoobo,


Waxan kaloo xoogaa ka iftiimin lahaa shaqsiyada wakhtigan uga soo tafa xaytay qurbaha inay fidmo ka abuuraan deegaano ay nabad iyo xasilooniyi ka jirtey, iyadoo aanay dhibkaasi ku dhacayn shaqsiyadii usoo tafa xaytay iyo caruurtoodiiba  hadana waxad moodaa inuu ku khamaarayo dad muslina dhiigoodii ,oo uu ka dhex abuurayo wax aan meesha oolin,sababtoo ah beelaha buuhoodlo waxay ka mid yihiin beelaha somaliland ee wada saxeexday 1991 shirkii burco iyo kii boorame, 1993 kii, hadana waxa taas ka sii horaysay inuu dalkani ahaa wakhtigii ay somaliya gumeystuhu qaybsaday dal gaara oo la odhan jirey somaliland,balse maanta ay ugu bedelayaan wax aan dani ugu jirin oo lagu tilmaamay qabiil amaba ayku abuurayaan beelihii lalaalaha ahaa ( isir nacayb )


Hadaba waxan u sheegayaa shaqsiyadaa uga soo tafa xaytay masaafada dheer inay somaliland qaranimadeeda ku wiiqaan ,waxan xasuusinayaa inaanay somaliland qaranimadeeda irbad caaradeed gaarsiin karin waxanan leenahay  ( DAR HORAY LA DHEELIDEYBA WAA DHAXAL XUMAYSTEEN ) waxanan ugu cadaynaynaa inaan somaliland state ka dhex samaysmi karin tix gabaya oo uu lahaa Adan tarabi,


( Awdal iyo sool    =  waa labada oof
Asuushaydu ay      =  ku astaysan tahay
Usha lagu dhuftaa =  anay igu dhacdaa)


Gebagebadii maqaalkayga waxan ku soo uruurinayaa qarankani waxa ka go,an inuu dalkiisa iyo dadkiisaba difaaco ilaaliyo xuduudihiisa Dhamaan shacabka wadanka u dhashana inuu u cadaalad sameeyo ,waayo umada xilku mawada deeqo laakiin waxa deeqa  cadaalada Tusaale ahaan waxa aragtaa gobolka sool sida ay dawlada somaliland u qiimaynayso haday tahay biyo gelin haday tahy jaamacadaha iyo rugaha caafimaadka iyo weliba adkaynta nabadgelyada qarankan intaa aynu soo sheegnay oo dhan ayaa ka go,an, hadaba somalida ayaa ku maahmaahda( ubadkaaga ma kala jeclid laakiin isaga ayaa iskaa kal jeclaysiiya )


Iskusoo wadaduuduuboo somaliland waxa ka go,an gogol nabadgelyo oo mar iyo laba iyo sadexba uu madaxweynaha dalku iclaaminayay mudadii uu xilka hayey imikana wuu ku hawlan yahay sidii cabashooyinka jira nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa, hadaba waa in wanaaga loo dhega nuglaadaa balse xumaanta laga fogaado oo la safe gareeyaa dhiiga dhalinyarada ee cayaarta u daadanaya,


                                                                       Wabilahi towfiiq,
haybe yusuf
hayberr14@hotmail.com


     
—————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>