Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Al Shabaab iyo dadka deegaanka oo ku dagaalamay duleedka deegaanka Raage Ceele ee gobolka Shabeelada Dhexe

$
0
0

Deegaanka Raage Ceele wararka laga helayo ayaa sheegaya in halkaas uu ku dhexemaray iska hor-imaad hubeysan dadka deegaanka iyo xoogagga al Shabaab.

Iska hor-imaadkan oo ka dhacay deegaanka Buulo Xoor Cad ayaa  waxaa ku dhintay sida la soo sheegay laba qofood oo dadka deegaanka ka tirsan iyo hal askari oo al Shabaabka ka tirsanaa.

Dagaalkan ayaa ka bilowday sida la soo weriyay weerar ay al Shabaabku ku qaadeen Hoy ay deegaanka Buulo Xoor Cad  ka degantahay Haween halkaas caan ka ah.

Dhaawacyo iyo qasaare maaliyadeed ayaa dhanka kale deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa laga soo sheegayaa waxaana sidoo kale jira dad ay al Shabaabku halkaas ka kaxeysteen.

Iska hor-imaadyada noocan oo kale ah ayaa mudooyinkan dambe soo batay waxaana hadda muuqata in dadku ay ku dhiirinayaan ka horimaanshaha al Shabaabka deegaanadaas ku xoogga badan.

halgankanet@gmail.com 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>