Xerada Qaxootiga Badbaado ee magaalada Muqdisho duleedka ayaa la soo sheegayaa inay ku soo dhacday diyaarad ka mid ah diyaaradaha wax burburiya ee aan duuliyuhu la socon (Drone).
Afhayeenka Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Paddy Akunda ayaa wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ku yiri "Diyaarad aan duuliye wadin ayaa ku soo dhacday meel u dhow xerada Badbaado laakiin ma ogin cid iska leh".
Afhayeenku wax faahfaahin oo intaas ka badan kama bixin diyaaradaas duleedka xerada barakacayaasha ku soo dhacday in qasaare ka soo gaaray shacabka halkaas ku sugan ama ka ag-dhow.
Diyaaradaha noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan adeegsada ciidamada dhex ceegaaga badda Soomaaliya.