Muqdisho-hobyonet)Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsadey gaawi uu saarnaa hal ruux ayaa lagu qaaday hotelka Munna oo u dhow xarunta madaxtooyada Somalia ee Villa Somaliya.
Qaraxa ismiidaaminta ayaa waxaa daqiiqado ka hore laga maqley meelo aad uga fog fog halka lala eegtey, waxaana la sheegey in ugu yaraan 7 ruux la xaqiijiyey inay geeriyoodeen kuwaasi oo fadhiyey banaanka Maqaayad hotelka uu lahaa, iyadoo dhaawacuna aad u fara badan yahay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa waxaana halkaasi iminka aad u soo buuxiyey ciidamada dowladda KMG oo halkaasi aan ka fogeyn rasaas xoogan ayeyna kor u ridayaan.
wixii faahfaahin ah la soco goor dhow
↧
Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday hotel Munna oo u dhow xarunta madaxtooyada villa somalia
↧