Weerar ismiidaamin ah ayaa waxaa lagu qaaday Hotel Munna oo ku yaalla Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxaani uu geystay ruux watay mooto laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Ruuxaan ayaa wuxuu qaraxa uu ka geystay maqaaxi ku taalla Hotel Munna oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana deggan Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa wuxuu ruxay Dhismaha Hotel Munna, waxaana si weyn looga maqlay guud ahaan Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana uu qaraxaasi geystay khasaarooyin kala duwan.
Weerarkaan ismiidaaminta ah ayaa waxaa la-sheegay inay ku dhinteen kuna dhaawacmeyn Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo iyagu lala beegsaday qaraxaasi, laakiin majirto faah faahin balaaran oo laga haayo.
Wixii kusoo kordha lasoco.
↧
WAR DEG DEG: Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo goor dhaw uu ruux isku qarxiyay
↧