Waxaa maalintii sideedaad uu dagaal culisi ku dhexmarayaan magaalada Muqdisho xoogaga Alshabaab iyo ciidamada Dowladda oo garabsanaya AMISOM iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.
Dagaalkii u dambeeyay uguna darnaa sida la soo sheegayo ayaa hadda ka socda dhanka waqooyiga Muqdisho waxaana meel kasta oo magaalada Muqdisho ka mid ah laga maqlayaa daryanka Madaafiicda goobta ay dhinacyadu sida miir la'aanta ah isu dhaafsanayaan.
Degmada Boondheere ayaa ah halka ugu daran ee ay hadda dagaaladu ka socdaan waxaana adag in la ogaado qasaaraha dagaaladani u geysteen dadka shacabka ah ee halkaas markoodi horeba nolol Allow sahal ah kula noolaa.
Xaalada waxaa uga sii daray markii ciidamada Amisom ay dagaalka kaga qeybqaateen madaafiicda goobta oo aan jiho ama yool laheyn, kuwaas waa madaaficdee oo inta badan ku dhaca deegaanada dadku ku badan yahay ee ay gacanta ku hayaan xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam.
Dagaalku weli waa socdaa waxaana adag in warar laga soo helo goobta dagaalka laakiin haddii Alle Idmo dib ayaan idiinkaga soo tebin doonaa sida wax u dhaceen.