Magaalada Boosaaso, xarunta maamulka gobolka Bari wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in halkaas xalay hawlgalo ay ka sameeyeen ciidamada maamulka Puntland ay ku soo qabqabteen dad kor u dhaafaya Lixdan Qofood oo ku kala sugnaa goobo kala gedisan.
Dadkan la qabqabtay oo haatan ku jira gacanta ciidamada Puntland ayaa lagu eedeeyay in ay ku guda jireen dhaqdhaqaaqyo wax loogu dhimayo ammaanka deegaankaas sidaas darteedna la xirxiray maxkamadna la soo taagi doono baaritaan ka dib.
Yuusuf Qeer, wasiirka Ammaanka Puntland oo warbaahinta gobolka Bari la hadlay ayaa qabqabashada dadkan ku sifeeyay qeyb ka mid ah hawlaha ammaanka lagu xaqiijinayo ee ay wadaan ciidamada maamulka Puntland isagoo sidoo kale ka nuuxnuuxsaday in ay ciidamadoodu ku guuleysteen soo xirixirida dadkan looga shakisan yahay in ay nabadda deegaanka wax u dhimayeen.
Ammaank guud ee magaalooyinka Puntland ayaa sii xumaanaya tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu maamulka la wareegay Madaxweyne Faroole waxaana deegaanadaas qaab qorsheysan loogu dilay dad aad u fara badan halka maamulkaasna uu masaafuriyay Dad ka soo jeeda asal ahaan Koofurta Soomaaliya.