Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweyne Shariif oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida, madadaalada iyo farshaxanka

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliyed Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay Maareeyaha guud Golaha murtida, madadaalada iyo Farshaxanka Abwaan Cabdi Yuusuf Xasan (Cabdi Dhuux), iyadoo ay tahay markii u horeysay 20-sano kadib oo Maareeye loo magacaabo Golihii Murtida iyo madadaalada.
Digreeto ka soo baxday Madaxweynaha oo ku taariikheysneyd 12–2-2012 oo ku beegneyd maalinimadii shalay ayaa lagu magacaabay Abwaan Cabdi Dhuux oo ka mid ah abwaaniinta fara ku tiriska ee sida wadaniyada iyo dhabar adeega ku jirtay ku sugnaa dalka mudadii labaatankii sano ee bur burka aheyd.
Nuqul ka mid ah Digreetada oo na soo gaartay ayaa u qorneyd sidan: -Markuu arkay: Qodobka 39aad, Farqada 1aad “c”, Qodobka 44aad Farqada 1aad Xarafka “e” Axdkiga KMG ah.
Markuu la tashaday: Xirfadleyda aqoonta u leh dib u nooleynta wakaaladii murtida, madaalada iyo farshaxanka
Markuu arkay: In loo baahan yahay in dib loo soo nooleeyo Golaha Murtida, madaalada iyo farshaxanka si loo hormariyo loona kobciyo dhaqanka Umada Soomaaliyed, si loogu wacyi geliyo Nabada iyo xasiloonida baahida loo qabo
Markuu tixgeliyay: Sida loogu baahan yahay in la helo Hay’ad isku xirto shacabka iyo Dowladda.Wuxuu soo saaray xeerkan soo socda:-Qodobka 1aad
Waxaa laga maarmaan noqotay in wakaaladda Murtida, madadaalada iyo farshaxanka loo magacaabo cidii hogaamin laheyn, si dib loogu soo nooleeyo Hay’adihii udub dhexaadka u ahaa qaranimada Soomaaliyed.
Digreetada oo uu Madaxweynaha ku saxiixnaa ayaa lagu xusay in fadhiga Maareeyaha noqonayo Magaalada Muqdisho, iyadoo tani astaan u tahay, bilowda dib u soo nooleynta Fankii Soomaaliyed.
Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa waxaa uu ka mid yahay Abwaanada caanka ah, iyadoo lagu xusuusto, sidii uu isku xire uga ahaa Fanaaniintii ku kala irdhoobay dagaaladii sokeeye kadib, isla markaana ahaa shaqsiga keliya ee ka warqabay fanaaniinta ku sugnaa gudaha dalka, ee saameeynta ku yeeshay Colaadaha dalka ragaadiyay 20-ka sano.
Golihii Murtida iyo madaalada National Theatre oo dib loo furay 21-kii October ee sanadkii hore ayaa lagu wadaa in dhowaan dib u dayactir lagu sameeyo, si ay uga qeyb qaadato dib u soo nooleynta fankii Soomaaliyed iyo dhaqanka uu lahaa, kaasoo bur bur ku yimid 20-kii sano.
Sidoo kale xilka Farshaxanka oo udub dhexaad u ahaa fanka ayaa waxay noqoneysaa markii u horeysay ee Dowladda magacawday xilkaas, si ay ahmiyad u siiso farshaxaniistayaasha Soomaaliyed, si ay fursad ugu helaan in farshaxankooda ka turjumaya Nabada u soo bandhigaan.
Hey’adda CRD ayaa dhowaan Muqdisho ugu qabatay kulan wada tashi ah in ka badan 100-fanaaniin oo ka socday Hobolada kala duwan ee ka jira dalka, si ay dood uga yeeshaan sida ugu haboon ee dib loogu soo nooleyn karo fanka Soomaaliyed, loona kobcin karo, maadaama dhibaatooyinka dalka ka jiray qeyb ka ahaa bur burkii ku yimid Fanka iyo fanaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>