Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Isku duwaha deeqaha Bani’aadanimo Qaramada Midoobey

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Magaalada Muqdisho Isku duwaha kaalmaha aadanimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Mark Bowdon oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ahaa mid looga hadlayay xaalada bani’aadanimo iyo sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha, iyo sidii deegaanadooda loogu celin lahaa.

Mark Bowdon oo kulanka kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhowaan ay dib u dejin u sameyn doonaan qoysaska barakacayaasha, ee dhowaan laga saaray dhismayaasha dowladda.
Waxaa uu sheegay in ilaa 200-kun barakacayaal ah oo ka kala yimid Gobolada Bay, Bakool, Shabellaha Hoose iyo Jubooyinka ay u sameyn doonaan gar gaar ay gaarsiiyaan iyo dib u dejin, isagoo cadeeyay inay ka howl geli doonaan deegaanada laga saaro Shabaab.
Hey’adaha Qaramada Midoobey ayaa waxay si rasmi ugu soo guureen Magaalada Muqdisho, inkastoo deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab horay looga mamnuucay


 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>