Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamadda Amisom oo ku dhawaaday Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo dagaalo laga cabsi qabo

$
0
0

Kadib markii Saraakiisha Amisom ay sheegeen in maal-maha soo socda ay taggi doonaan Deegaanka Ceelasha Bilaha, oo ugu weyn deegaanada loo-barakacay, ayaa waxaa maanta si weyn ugu dhawaaday Ciidamadda Amisom.
Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo taageero siinaaya Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay maanta gaareyn Xeradkii Sarkuuste ee duleedka Magaaladda Muqdisho, taasoo si weyn ugu dhaw Deegaanada loo-barakacay.
Ciidamadda Amisom oo horey dib uga soo laabtay Xeradii Sarkuuste, ayaa waxay maanta ka sameysanayaan fariisimo balaaran, iyadoo laga cabsi qabo inay weeraro sii qaadaan amaba iyagu lagu soo qaado weeraro xoogan.
Gawaarida gaashaaman ee Ciidamadda Amisom ee Taangiyada loo-yaqaano, ayaa waxay dhooban yihiin banaanka hore ee Xeradii Sarkuuste, waxaana la-fillaayaa inay ku sii nagaan doonaan Sarkuuste, inkastoo aan taasi weli si cad loo-sa
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in laga cabsi qabo weeraro xoogan oo ay soo qaadaan Xoogaga Shabaab, oo ku sugan goobo aan sidaasi uga fogeyn Xeradii Sarkuuste, oo si weyn ugu dhaw deegaanada loo-barakacay.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, ayaa wuxuu shalay sheegay inay mar dhaw qabsan doonaan Deegaanada loo-barakacay, isagoo sheegay inay taasi ka garab taagan yihiin Ciidamadad Amisom.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>