Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kahor tagay khasaaro badan oo ay geysan laheyd Al Shabaab

Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa muuqaneysa inay xoojiyeen dagaalada xoogan ee ay kula jiraan Xoogaga Shabaab, iyadoo dhinaca kalana ay kahor taggeen khasaaro ay geysan laheyd Al Shabaab.
Xoogaga Shabaab ayaa waxay qarax miino oo aad u culus ay ku aaseen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera, oo labaduba ku yaalla xadka kala qeybiya Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay si wadajir leh u qaadeen hawl-gallo balaaran, isla-markaana waxay ku fashiliyeen qaraxaasi oo ahaa miino aad u miisaan culus, waxaana lagu doonaayay in wax-yeelo loogu geysto Ciidamadda Somaliya iyo Kenya.
Miinadaan ayay qarxiyeen Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dhinaca kalana ay goobahasi ka sameeyeen hawl-gallo balaaran, inkastoo aan la-sheegin inay dadka u soo qab-qabteen miinadaasi iyo in kale.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay balaariyeen qorshaha ay kula dagaalamayaan Xoogaga Shabaab, iyagoo markaasina meesha ka saaray qaraxyo waaweyn oo ay Al Shabaab ka geysan jirtay Mandheera iyo Balad Xaawo.
Dagaalada lagula jiro Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xilligaan yihiin kuwo balaaran, oo Shabaab looga saaraayo Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, taasina waa guul wanaagsan oo ay gaareyso Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles