Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Isqarxinta Maxay Shareecada Islaamku ka qabtaa?

$
0
0


Sanadahan  dambe waxaa dalkeenna Soomaaliya ku soo kordhay dhaqammo aan horay uga jirin oo ay ka mid yihiin Ismiidaaminta ama in qofku naftiisa qeybo oo is qarxiyo ama uu ku dhiirrado in uu qarax ku baabi’iyo dad goob isugu yimid, isagoo leh waan jihaadayaa.
Haddaba diinteenna Islaamku maxay ka qabtaa is-miidaaminta iyo in qofku naftiisa dilo wax kasta qiil ha ka dhigtee.
Allaah waxa uu ku leeyahay aayadaha 29 iyo 30 ee Suuradda Alnisaa” War naftiinna ha dilina Ilaahey waa mid idiin naxariisanayee, Qofkii falkaas sameeya – Macnaha naftiisa gooya- isagoo ula jeeda Cadowtooyo iyo Dulmi, waxaan galin doonnaa Naar , arrintaasina Eebbe way u sahlan tahay”.
Macnaha Aayadahan waxaa kaloo ku jira in dadka looga digayo in ay iyagu is dilaan oo ay dagaallamaan.
Xadiith ku yaalla Saxiixu Muslim, Waxa uu Abii Hureyra ka wariyay Nabigeenna CSW in uu yiri” Qofkii buur iska soo tuura ee sidaas naftiisa ku gooya waxa uu galayaa naarta Jahannama oo uu ku hoobanayaa, walibana ku waarayaa , Qofkii Sun caba isaguna sidoo kale waxa uu galayaa naarta isagoo Suntiisa gacanta ku sita, Qofkii naftiisa bir ku dila isaguna sidoo kale waxa uu galayaa naarta isagoo ay caloosha uga taagan tahay birtii uu isku dilay, wuuna ku waarayaa naarta” ilaahey ha naga koriy naarta.
Aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiithta Rasuulka CSW ee ka dar daar warinaya in qofku naftiisa qeybo oo is dal dalo aad ayay u fara badan yihiin culimmada Islaamka kuwii hore iyo haatan joogana si faahfaahsan ayay uga hadleen qofkii doonaya in uu xaqa u hoggaansamo.
Waxaa aad u la yaab leh ahna wax aad looga murugoodo in kooxo sheegta in ay Islaam yihiin ay dhallin yaradii Soomaaliyeed  u hor seedayaan waddo khaldan oo lagu naar tagayo iyagoo diin uga dhigay hawadooda iyo danohooda gaarka ah.
Falalka Isqarxinta & Qarxinta ee kooxaha xagjira dadka ku dhameeyaan, maxay ka qabtaa Shareecada Islaamku, Waa Mowduuca aan toddobaadkan ku gorfeyn doonno Barnaamijka Tubta Toosan oo uu nagala qeyb galaya Sheikh Muuse Macallin Cagaweyne.
TUBTA TOOSAN 13.02.2012
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>