Su,aal K; Madaxwayne Shariif, raisul wasaare Gaas, golaha shacabka, iyo shacabka Soomaaliyeed?
Waa maxay sababta ay dowlada Soomaaliya u qaadanayso federalsystemka?
Qormadani waa qormo taxane ahayd. waxaana qaybtan ku eegayaa sababta kalifaysa in Soomaaliya ay qaadato habka federalsystemka. waxaana igu kalifay dhowr arrimood oo is biirsaday oo ay kow ka tahay ujeedada ka dambaysa federalsystem kan sanka galiska ah, balse waxaa ugu wayn go,aankii kasoo baxay shirkii garoowe oo lagu heshiiyey in dowlada Soomaaliya loo dhisoyo mustaqbalka ay noqonayso dowlad federal ah. Waxaana ku eegi doonaa qodobka federalka mayahay qodob Soomaaliya anfacaya? mise waa nidaam ay wataan dowladaha darisku oo ay ku doonayaan inay ku wiiqaan awooda dowlada Soomaalieed qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay ku doonayaan in ay ku helaan sed bursi ayna ku doonayaan inay ku sed bursdaan kuna xalaalaystaan hantidii iyo qayraadkii dabiiciga ahaa ee qaranka Soomaaliyeed kaas oo ka dhaxeeya Soomaali oo dhan? iyo Dowladaha dariska ah oo iyaguna doonaya inaysan Soomaaliya dib dambe uga dhalan dowlad Soomaaliyeed oo awood leh? Yaase inoo dooraya in aan habka federalka qaadano?
Nruxurka doodda
Waxaan marka hore rabaa in aan yara sharaxo waa maxay federal? yaase qaata? Malagama maarmanbaase inay Soomaaliya qaadato federalsystem? Yuuse dan u yahay federalku? Sidoo kale waxaan tusaale yar ka bixinayaa dhibaatooyinka uu keeni karo? Iyo sidoo kale dowladaha federalka noqda waxa ku qasba!
Waxaan ka wada war haynaa in shirkii looga hadlaayey arrimaha dastuur u samaynta Soomaaliya uu maalmahanba ka socday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Shirkaas oo 18/2-12 lagu soo gaba gabeeyey magaalada Garoowe ayaa qodobkii ugu horeeyey ee kasoo baxay wuxuu ahaa in dowlada mustaqbalka ee loo dhisayo Soomaaliya ay noqonayso dowlad federal ah, arrintaas oo sida wararku nagu soo gaadhayo ay dowlada uu hogaamiyo C/wali gaas iyo qaarka mid ah maamul gobolleedyadu ay aad iyo aad dabada uga riixayeen in lasaxeexo in Soomaaliya loo dhiso dowlad federal ah.
Waa maxay federal? Eraygu asal ahaan wuxuu ka yimi dhanka luqada latinka. Wuxuuna leeyahay fasiraado badan laakiin anigu waxaan halkan ku sharixi doonaa mida inaga naga qusaysa ee ah hab dowladeedka “federalsystemka”. Macnaha guud ee eraygu ama nidaamka federaalku waa qaab lagu saleeyo habeynta siyaasadda dalka iyadoo loo qeybinayo awoodaha dastuuriga ah laba heer oo kala ah heer qaran iyo heer gobol, taas oo ay qasbayso caqabado dabiici ah oo aan inta badan si kale lagu dhaafi Karin. Inta badana waxaa qaata nidaamkan dowladaha ku qasban ee xalmooda, kuwaas oo ay ku noolyihiin dadyow kala af ah, kala dhaqan ah, kala midab ah, kala diin ah ama kala qoomiyado/isir ah. Inta badan dowladaha qaataana waa dowlado ay ku noolyihiin dadyoy kala af, diin, isir, dhaqan iyo midab ah. Waxyaabahaas oo dhamaantood ah waxyaalo dabiici ah oo aan dhamaad lahayn, wax badana laga badali karin. Hadaba malagama maarmaanbaa inay Soomaaliya qaadato nidaamka federalka? Qasab ma aha in Soomaaliya ay qaadato federalsystem maadaama ay Soomaalidu tahay dad isku mid ka ah diinta. Afka, luqada, dhaqanka midabka iyo waliba isirka, maadaama aanu nahay dad isku af ah, isku diin ah. Isku midab ah iyo waliba isku dhaqan. Taasina waxay kutusaysaa in aanan xitaa buuxin shuruudaha federalsystemka lagu noqdo.
Federalsystemkana waxaa qaata dowlad dadkeedu yahay kala midab sida maraykanka kala diin ama kala isir sida Ethoipia.
In Soomaaliya ay federal noqotaa waxay dan u tahay wada mada dariska ah oo doonaya in ay arkaan Soomaaliya aan awood lahayn ee ah dhowr imaaradood oo qabiilo ku salaysan. Balse nasiib daro waxaa iyaduna muuqata in qabiilada qaarkood ay iyaguna danahooda gaarka ah ay ka dhexarkeen federalsystemka oo ay u arkaan in uu yahay habka kaliya ee ay sed bursi ku heli karaan ayna ku xalaalaysan karaan ama ayba ku doonayaan inay ku xalaalaystaan hantidii qaranka Soomaaliyeed iyaga oo doonaya inay ku xalaalaystaan hantida qaranka Soomaaliyeed ee degaanada ay iyagu u badan yihiin laga dhisay iyo qayraadka dabiiciga ah ee lagu malaynayo deegaanada ay qabiiladaasi degaan ahaan ku badanyihiin maanta. Arintaas ayaa waxaa gacan sii siinaya qabiilo kale oo iyaguna u dhistay maamul gobolledyo si ay awoda dalka wax uga helaan, balse aanba ka fekerin in habkani yahay hab qabiilada qaar u fududaynaya inay dhacaan hantidii qaran Soomaaliyeed lahaa ee dadka Soomaaliyeed oo dhan ka wada dhexaysay, taas oo leh mid muuqata sida dekadaha iyo airporada iyo sidoo kale mida dabiiciga ah sida bada, shidaalka iyo macdanta.
Ugu dambayntiina waxaan ku soo afmeerayaa qormadan waxyaabaha qasba in dowladuhu noqdaan ama qaataan habka dowladeedka federalka ah. Sidii aan kor kusoo sheegayba waxaa keena ama qasba in dowladuhu qaataan hab dowladeedka federalka ah waa in dadka wadanka kuwada nooli yahay kala qoomiyado, kala diin, kala af ama kala dhaqan. Hadaba waxaan waydiinayaa madaxda shirkii garoowe ka qayb gashay in ay ii sheegaan waxa ku qasbay in iyaga oo aan cod nawaydiin inay nagu qasbaan in aan federalsystem qaadano?
Waxaan ka warqabnaa in gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya oo runtii ah meeshii aan anigu ku dhashay deganaana mudo badan oo noloshayda ka mid ah uu maanta dagaal ka socdo dagaalkaas oo ku salaysan aniga ayaa kuu dooraya waxa kuu tanta ah ee ama aniga iraac ama guur. Arintaas oo ka mid ah waxyaabaha uu federalku keenayo iyo dhibaatooyinka uu sababayo federalka aan ku salaysnayn waxyaabaha dabiiciga ahayn.
Hadii aan nafdayda tusaale usooqaato anigu waxaan ku dhashay degmada caynabo ee gobolka togdheer waxaana ku koray gobolada togdheer, Sool iyo Banaadir iminkana waxaan ku noolahay dalka Sweden waxaana ku nool qoomiyado kala af ah, kala diin ah, kala midab ah, kala isirna ah, hadana hab dowladeedka dalku waa unitarysystem. Hadaba hadii aan markale su,aal idin ku soo celiyo ma ii sheegi kartaan sababta aan federalsystem u qaadanayno? Yeyse tahay in ay doortaan waxa ladoonayo dalka in lagu maamulo? Mabeelaha doonaya inay iyagu xalaalaystaan hantida qaranka Soomaaliyeed ee dadka iyo dalka oo dhan ka dhexaysa mise umada Soomaaliyeed oo dhan?
Mase ka fekerteen in dadka Soomaaliyeed uu san federal noqon karin? Tusaale hadii aan soo qaato Soomaalida degta Ethiopia, Kenya, Soomaaliya iyo waliba Djibouti inay aad iyo aad u adagtahay xuduud look ala sameeyo? Sababta keenaysaana ay tahay in aynu nahay ama u badan nahay dad xoolo dhaqato ah oo marba meeshii roobka da,o u daaqdoonta. Mise roobkana federal iyo 4.5 ayaad ku qaybinaysaan?
Qormadan waxaa idiin soo diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jamac dharas oo ah arday wax ka barta dalka Sweden kana tirsan gudiga fulinta ee ururka isbahaysiga ummada Soomaaliyed ee dalka Sweden. Waxaan sigaar ah uga codsanayaa in wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo agaasimayaasha warbaahinta ay arintan u istaagaan isla markaana ka qabtaan dood wanaagsan “malagama maar maanbaa in aan federal system qaadano maxaase qasbaaya?”
Wixii talo iyo tusaale ah igala soo xidhiidh ciwankan Abdikani.jama@gmail.com
Mahadsanid
↧
Qormadii ”col ku qaad oo tuugo kuu ciidamisay” part 3
↧