Gaalkacyo[RBC Radio] Kooxo burcadbadeed ah oo ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Saacado ka hore weerar ba’an ku qaaday Saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug muddo koobana la wareegay gacan ku haynta Saldhiga.
Iska hor imaad ayaa ku dhexmaray afaafka hore ee Saldhiga ciidamo boolis ah oo ku sugnaa iyo kooxdii burcadbadeeda ahayd ee weerarka soo qaaday daqiiqado ka dibna waxaa u suurta gashay kooxdii weerarka soo qaaday in gudaha ay u galaan Saldhiga.
Goob joogayaal ku sugnaa Saldhiga dhexe ee magaalada meel aan ka yara fogeyn ayaa Raxanreeb.com u sheegay in laga awood roonaaday Ciidamadii Saldhiga iska hor imaado daqiiqado qaatay dabadeedna ay kala baxeen rag kaga xirnaa gudaha Saldhiga.
Shiil Maxamuud Faarax oo ah Taliyaha Saldhiga Booliska Gaalkacyo oo aan wax ka weydiinay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in kooxda Burcadbadeeda ah ay soo weerareen 9-fiidnimo saldhiga halkaasina uu iska hor imaad xoogani uu ku dhexmaray Ciidamadii heegan lahaa iyo kooxdii weerarka soo qaaday balse waxa uu tilmaamay in aysan jirin khasaare ka dhashay rasaastii labada dhinac ay is weydaarsanayeen.
Ilaa hadda warar rasmi ah oo xaqiijinaya majirto sababta ka danbeysa weerarka ay kooxdana Burcadbadeeda ah kusoo qaadeen Saldhiga iyo waxa ay ka damacsanaayeen,waxaana markii ay daqiiqado kala wareegeen gacan ku hayntii Saldhiga ay dib ugu noqdeen meelihii ay ka yimaadeen markoodii hore.
Faah-faahinta kala soco Raxanreeb.com
RBC Radio
Gaalkacyo
↧
DEG DEG: Burcadbadeed Caawa Weerar Ku Qaaday Saldhiga Dhexe ee magaalada Gaalkacyo
↧