NIN KU DILAY HAR KUUMO JIIDO
Avv.Xussein Diiriye Afrax
xussein1939@hotmail.com
21/2/2012
Dowladda Ingiriiska oo gummeysiga taqasus ku leh waxaa tusaale u ah in gumeystaha uu masab ahaan ka sareeyo midka la gummeysto, sidaas daraadeed na waa in marna dadka la gummeysto loo muujinin haba yaraatee wax jil-jileec u muuqdo ama naxariis, waa in qofka la gummeysto ad-adeeg nimo loola dhaqma ilaa laga gaarsiiyo il bax ninmo lagu kal soonaan karo.
Avv Xuseen Afrax Diiriye
Fikradda sidaas ah ayadoo jirto ayaa Ingiriiska waxa looga guuleystay UN dhexdiisa taariifhda markii ay ahayd 18.05.1949 in koofurta Soomaaliya 1950 ilaa 1960 hab aministration (TRUSTEESHIP) ah lagu wareejiyo dowladda Talyaaniga si waqti toban sano gudahooda ay koofurta xuriya buuxdo ku gaarsiiyo.
Keddib gul darrada UN ka kala kulantay ayaa dowladda Ingiriiska waxay ku dhaqaaqday in ay kala qob-qobto dhulka Soomaaliya una qeybiso shan waaxood.
Ugu horeyn 1954 waxay Xabashid gacanta u gelisay dhulkii loo yiqiinay HOWD,1963 ayaa haddana dowladda ingiriiska waxay dowladda Kenya ku wareejisay dhul baaxaddiisa weyn tahay oo loo yaqaan NFD ( NORTH FRONTIER DISTRICT ).
Cadawtinimada NFD nalooga qaaday waxay sababtay in golaha wisiirada soomaaliya uu markaas madax ka ahaa Allaah ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmarke ay ingiriiaka u jarto xiriirkii diblomaasiga intaas waxaa dheer in birihii jidka railka oo tariinka oo isku xiri jiray Xamar, Afgooye, Jowhar, Xamar in uu ingiriis ku u raray waddanka Kenya wana midka haatan ka shaqeeyay inta u dhexeyso Nairobi iyo Mombaasa. Intaas waxaa kale oo u dheer Ingiriiska in uu Yemen ku wareejiyay jasiirad soomaalida ay leedahay oo loo yaqaan SOKOTRA waxay 300 km u jirto waddanka Soomaaliya,meesha ay yemen u jirto wax ka badan 350 km. (NIN KU DILAY HAR KUUMA JIIDO )!!!!!!.
Haba yareete ma jirto wax dhibato oo laga tirsanaayo shacbiga ingiriiska,balse dowladda ingiriiska oo ku doodayso in ay soomaali wax u qabaneyso waa isla tii waddanka Soomaaliya u kala qeybisay shan waaxood oo ilaa manta xal loo waayay sidii dib la isugu keeni ama loo mideyn lahaa.
Wax kasto oo dhibaato ah ama dibin daabyo ah mid hore ama mid dambe oo shacabka Soomaaliya loo geystay ingiriiska ayaa si toos ah ama si dadban masuul uga ah.
Mar waliba uu dadka soomaaliya isku dayo in u ka soo kabsado dhibka asiibay muddada kor u dhaaftay 21 ka sano waxaa isla markiiba ka hor yimaado fara gelin dowlado geyiga dano gaar ah ka leh,sida haatan ba ay dowladda Ingiriiska u qaban qaabineyso shir ku sheeg waxba ku soo kordhin doonin danaha gaarka ee Soomaaliya, ugu dambeystiina shirka waxa uu ku soo idlaan doona jidkii kuwii ka horeeyay ay mareen oo ah (QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABANIN)!.
Soomaaliya muddoo aad u fog ayeey la dalaa dheceysay cudurka kallifay in dowlad nimadii faraha ka baxdo, labaatan iyo koowgii sano ee la soo dhaafay dhowr iyo toban jeer ayaa loo fariistay sidii loo dabiibi lahaa cudurka soomaalida ku raagay, intaas goobood oo la isugu yimid marna ingiriiska kama soo muuqanin,balse manta sababta uu dibadda ugu soo baxay waxa uu arkay in dhibka soomaali haleeyay uu godkiisa ugu soo galay.
Qoos kalluumeysata ah ayaa wiil waxa uu aabihiis weydiya in aaqiro la jallaaban karo, odaygii ayaa waxa uu ugu jawaabay maandhow ninna meherad la’aan meel uma fadhiyo.
Ingiriiska na waxa ay meheraddiisa koowaad tahay dullaal nimo la xiriirta caymiska maraakiibta,waxa dalkiisa ka jiro dhowr iyo toban shirkadood sida Lloyd insurance oo idil kooda taqasuus buuxa ku leh caymiska maraakiibta. Muddooyin kaan dambe waxaa soo korortay in burcad badeed ay jidka ama marinka u fariisatay maraakiibtii badaha isaga gooshi jirtay, shirkadihii mareekiibta lahaa na ku kallifay in ay hakiyaan usu socodka badaha,sidaas na uu Ingiriiska ku waayay lacagihii faraha badnaa ee insurance uu sida joogta ah dhaqaalihisa ugu kabi jiray.
Dowlad waliba danteeda wey taqaana Ingiris kana waxa uu manta baadi goob ugu jiraa shirkana u abaabulay in uu helo dowlado badan uu u kaashado la dagallanka wiilasha yay yar ee soomaalida ah oo ku hubeysan qoriga AK47 laguna til maamo in ay yihiin burcad badeed.
Reer bay iyo reer bakool ayaa waxaa hal-heys u ah (ninkii gurbaan xado goobtii uu ku tumi lahaa ayaa laga rabaa)!!!. Geba gebada maqaalka waxaa goob jog loo yahay madasha loo ballansan yahay 23.02.2012 kheyr iyo khasaare waxa ay soo kordhiso.
Avv.Xussein Diiriye Afrax
xussein1939@hotmail.com
==========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
↧
Nin ku Dilay Har Kuumo Jiido
↧