London[RBC Radio] Dawladda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in aysan haba yaraatee damac ka lahayn Shidaalka laga soo saarayo gudaha dalka Soomaaliya balse ujeedadeedu tahay sidii ay door muuqda uga qaadan lahayd nabad kusoo celinta Soomaaliya iyadoona beenisay war saaka lagu qoray Wargays kasoo baxa dalkaas.
Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah ee u qaabilsan dalka Ingiriiska Andrew Mitchell oo la hadlay Warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in uu beeninayo Warkaas uu qoray wargaysku,wuxuuna xusay in aysan damac kale ka lahayn Shidaalka Soomaaliya ayna soo raacaan khayraadka kale balse ay doonayaan in dalku nabad noqdo.
Andrew Mitchell ayaa tilmaamay in Shidaalka laga soo saarayo dhulka Soomaaliya uu faa’ido u yahay Shacabka Soomaaliyeed taasina ay uga gudbi karaan dhibaatada xun ee hadda ka taagan dalka.
Sidoo kale wuxuu xusay in ay gacmaha ka laaban waayeen markii ay arkeen xaalada bini’aadamnimo oo gaartay meeshii ugu xumayd taasoo ay gaartay in Carruurtii 5-sano ka yarayd ay geeriyoodaan.
Raysalwasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhankiisa ka dhawaajiyey intii uu ku sugnaa magaalada London in aysan dawladda Ingiriisku kala hadlin Shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Dawladda KMG ah oo masuul ka ah dalka oo dhan haddana meesha kaliya oo hadda laga bilaabay shidaal qodista waa Puntland gaar ahaana Dooxada Dharoor oo ay hadda maamul ahaan ka arimiso Puntland lama saadaalin karo jawaabta iyana Puntland ka bixiso damaca la sheegay in laga leeyahay Shidaalkaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso.
↧
Dawladda Ingiriiska oo Sheegtay in aysan Damac ka lahayn Shidaalka Laga Soo Saarayo Soomaaliya.
↧