Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Baanka adduunka oo Somaliland ka bilaabay mashruuc ganacsiga kor loogu qaadayo

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Shir  lagaga hadlayay horumarinta hantida iyo Ganacsiga gaarka ah ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa. Waxaa shirkaas soo qaban qaabiyay Baanka adduunka kaas oo horu-dhac u noqon doona mashruuc maalgashi oo Baanka adduunku ka fulinayo Somaliland.
Mr Bitar Maushi oo ah madaxa mashruuca horumarinta hantida gaarka ah ee Baanka adduunka ayaa ka warbixiyay ujeeddada laga leeyahay kobcinta hantida gaarka ah, waxaanu tilmaamay inay gacanta ku hayaan lacag gaadhaysa illaa Shan Milyan oo Doollar, taas oo loogu talo galay ayuu yidhi in kor loogu soo qaado hantiilayaasha amase ganacsatada Somaliland.
Najiib Xasan Xaashi oo ah Madaxa Mashruucan uu Baanka adduunku ka wado Somaliland, iyo Daved Filibis oo halkaasi ka hadlay ayaa ka qayb galayaasha sharrax ka siiyay shuruudaha looga baahan yahay qofka hantidiisa kor loo soo qaadayo iyo Nidaamka uu marayaba.
Waa markii ugu horreysay ee Baanka adduunku mashruucan oo kale ka bilaabo Somaliland, waxaana la rejaynayaa in ganacsato badan oo kuwa dabaqadaha dhexe iyo hoose ah kor loo soo qaado ganacsigooda.
 
RBC Radio
Xafiiska wararka Hargeysa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>