Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ololahe ku saabsan Tallaalka Hooyada iyo Dhallaanka oo Somaliland lagu soo gebo-gabeeyey

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Dr. Axmed Xasan Goolle ayaa maanta ka warbixiyay maalmaha tallaalka caafimaadka carruurta oo la soo gebo-gabeeyay.
Waxa uu Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka Maroodi-jeex u tilmaamay in guud ahaan tallaalkii hooyada iyo dhallaanka la gaadhsiiyay deegaannada hoos yimaadda gobolka Maroodi-jeex.
Dr. Axmed Xasan Goolle waxa uu sheegay in hawlhgalkani muddadii uu socday lagu  tallaalkay carruur lagu qiyaasay boqolkiiba Sagaashan, kuwaas oo ay da’doodu ka hoosayso Shan sano jirka.
Waxaa kale oo uu Isu-duwuhu xusay in Haweenka ay da’doodu u dhaxayso 15 sano illaa 45 jirka ay boqolkiiba toddobaatan tallaalkan qaateen, waxaanu intaas ku daray in carruurta laga tallaalay lixda cudur ee dilaaga ah oo ay barbar socotay dawooyinka carruurtu u baahan yihiin iyo cuntooyinka nafaqaysan ee haweenka la siiyo.
Ololahan ayaa muddo lix maalmood ah ka socday guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo dhan, isla markaana gelinkii hore ee maanta laga soo gebo-gabeeyey dalka oo dhan. Kaasoo ay ka qaybqaadanayeen sagaal boqol konton kooxood oo Wasaaradda Caafimaadku u kala dirtay gobollada iyo degmooyinka dalka.
 
RBC Radio
Xafiiska wararka Hargeysa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>