Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Yemen ayaa daboolka ka qaaday in dalkeeda ay soo galeen 300 oo ka tirsan al Shabaabka Soomaaliya, kuwaas oo sida la sheegay ka barbardagaalaya al Qaacidada Yemen.
Magaalo xeebeedka Ebyan ayaa la sheegay inay ka soo dageen rag ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duduwan oo al Shabaab ka tirsan, ragaas oo intooda badan ay qabqabteen ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Yemen ka gadaal markii laga warhelay imaanshahooda.
Dhanka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Yemen ayaa sheegtay in ay dhigeen ciidamo badan oo xeebaha ilaaliya magaalooyinka Cadan iyo Ebyan oo ay intooda badan ka soo degaan musaafuriinta ka yimaada dhanka Soomaaliya.
Warkan ka soo baxay xukuumadda Yemen ayaa imaanaya xili maalmo ka hor la shaaciyay in dagaalyahaniin u badan ajaaniib ay ka soo shiraacdeen dekadda Kismaayo, dagaalyahaniintaas oo ka barbardagaali jiray al Shabaabka Soomaaliya.