Dalka Yemen oo in mudo ah ay ka socdeen rabshadogaalo wata oo lagaga soo horjeeday madaxweynihii mudada dheer dalkaas xukumayay Cali Cabdalla Saalax ayaa waxaa hadda ka soo baxaya warar sheegaya in Cabdullaahi Yuusuf oo halkaas megengelyo siyaasadeed ku joogay uu ka guurayo.
Geediga Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxaa sababay baa la leeyahay ka bixitaanka uu meesha ka baxayo madaxweynihii Yemen Cali Cabdalla Saalax ee Cabdullaahi Yuusuf markiisi horeba megengelyada siiyay balse haatan isagu u baahan megengelyo.
Magaalada Sanca ayuu Cabdullaahi Yuusuf guri uu dejiyay taliskii Cali Cabdalla Saalax ka deganaa, laakiin hadda waxaa soo wajahday cabsi ka dhalatay siyaasadda dalka Yemen ee isbedeshay.
Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa Yemen megengelyo ka siiyay Cali Cabdalla Saalax ka dib markii ay beesha caalamku ka riixday kursigii madaxtinimada Soomaaliya.