Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo golaha Wakiiladda faah-faahin ka siiyey Odoroska Miisaaniyadda Sanadkan iyo mashaariicda Horumarineed ee ku jirta

$
0
0

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa maanta golaha Wakiiladda warbixin ka siiyey odoroska Miisaaniyad Sanadeedka 2012, meelaha loo qorsheeyey iyo mashaariicda horumarineed ee ku jirta sanadkan.
Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay inay jiraan ganacsato waaweyn oo caadaysatay in aanay bixin cashuurta ku waajibtay, kuwaas oo ay ku jiraan xildhibaano goleyaasha ku jira, waxa kale oo uu xusay in miisaaniyadda ay ku jirto macalimiin badan oo la shaqaalaysiiyey iyo hay’addo loo kordhiyey kharashkoodda.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay inuu kor u qaaday cashuur ururintii,taasinay ay keentay in dugsiyada hoose/dhexe uu bilaash ka dhigo si dadku u dareemaan cashuurta ay bixinayaan halka ay gasho, isla markaana
uu shaqaalaha iyo ciidamadda uu 100% u kordhiyey, dayman badana uu bixiyey.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu sanadkan uu kor u qaadayo cashuurta soo galaysa dalka, maadama oo cashuur aan hore loo qaadi jirin oo baaqi ku noqon jirtay ganacsatada uu qaadi doono, isagoo sharaxaya lacagtaasi iyo halka uu ka keenayo waxa uu yidhi “waxa laga yaabaa in aad is waydiisaan wax oo lacag ah halkee laga keenaya, cashuuro badan oo aan barigii hore la qaadi jirin dadkuna u baran, Cashuurka macaashal macaashka ganacsiga waxaanu qaadnay 15%, waxa baaqda oo aan la qaadin 85%, cashuurta Daaraha
waxa aynu qaadnay 5%, Cashuurta gadista 1% ayeynu qaadnay, cashuurta liisamadda 2% ayaanu qaadnay, cashuurta wada marista 60% ayaanu qaadnay, waanu ku rajo weynahay in sanadkan cashuurta kordhino oo aanu kor u qaadno 100%, oo cashuuraha aan la qaadin ku soo dari doonno sanadkan” ayuu yidhi
wasiirku mar uu ka hadlayey korodhka miisaaniyadda ee ay ku talo jiraan inay soo xareeyaan.
“Tusaale haddii aanu soo qaadano Kastamka oo kale lacag baanu u qoondaynay inay soo saaraan 52 Bilyan bishii Janaayo iyo Febraayo , laakiin way ka badiyeen oo waxay soo saareen 69 Bilyan oo dollar, waxaanan
rajaynayaa in aanu soo dhamaystirno miisaaniyadda aanu ummadda ugu talogalnay Lixda boqol iyo sagaal iyo sodonka Bilyan ee Dollar, waxaanan rajaynayaa in aad hawshaasi gacan nagu siisaan” ayuu yidhi Xisaabiyaha guud ee Dawladda Maxamed Cumar Badde oo ka hadlay odoroska miisaaniyadda
Agaasimaha qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyadda Wali Daa’uud Cigaal, ayaa ka hadlay mashaariicda horumarineed ee miisaaniyadda ku jirta, waxaanu tilmaamay inay wadaan barnaamijka lagu tayeyn doono xoolaha Somaliland oo iskugu jira Daweyn iyo talaal, laba kun oo macalin oo mushahar loo qoray,
waxa kale oo mushaharka loo kordhiyey bahda Garsoorka, Agaasimeyaasha iyo wasiiradda Somaliland oo miisaaniyada sanadkan ku jira.
Sidoo kale, waxa mashaariicda Horumarineed loogu daray miisaaniyadda, Mishiinka Kelyaha sifeeya ee cisbitaalka Hargeysa, Jaamacadda Badhan, jaamacadda Ceerigaabo, wadadda Oodweyne konton kun oo dollar ayaa ugu jira, Wadada Boorama laba Bilyan oo dollar, Daryeelka Darbijiifka, madaarka
Burco, dhismayaal cusub oo loo dhisayo wasaaradaha qaarkood, Taakuleynta gobolada Bariga (saddex milyan, toddoba boqol iyo laba iyo lixdan kun oo dollar).
Waxa kale oo sanadkan miisaaniyadda lagu daray Doorashooyinka golaha deegaanka oo kharashkoodda loogu tallogalay oo laba milyan iyo laba boqol oo dollar ah, waxa kale oo kharashka ku jira guddida diiwaangelinta oo ah guddi cusub ah.
Fadhigan maanta oo uu guddoominayey guddoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cabdiraxmaan Cirro, ayaa mudanayaasha u sheegay in marka la soo akhriyo odoroska Miisaaniyada su’aalo laga waydiin doono wasiirka Maaliyadda.
Source-Hol


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>