Kenya oo ciidamadeedu ay gudaha Soomaaliya kula dagalaamayaan Al-shabaab ayaa sheegtay inay ciidamadeeda la baxayso sideed bilood kaddib, markaasoo ku beegan bisha Oktoobar ee sannadkan.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Kenya la ogolaaday inay ku biiraan kuwa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, balse saraakiisha Kenya waxay sheegeen inay sii wadayaan tan iyo inta ka baxayaan Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.
“Waxaan la shaqeynaynaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo aan dhawaan ku biirnay, kuwaasoo howlgalkooda uu ku egyahay 31-ka bisha Oktoobar ee sannadkan,” ayuu yiri afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna.
Afhayeenku wuxuu sheegay in howlgalka AMISOM uu yahay mid nabadda lagu dhalinayo, iyaguna ay qayb ka qaadanayaan howlgalladaas, isagoo xusay inay ka baxayaan Soomaaliya muddada ay qabteen.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 13,000 oo askari oo ka socda dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti, iyadoo Kenya laga doonayo inay ciidamadan tiradooda ka dhigto 18,000 oo askari.
Dhanka kale, Col. Oguna wuxuu sheegay in weerar cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaalku ka fuliyeen deegaanka Huluqo oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ay ku burburiyeen 11-gaadiidka dagaalka ah oo ay lahayd Al-shabaab.
Source-Hol
↧
Kenya oo sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya marka la gaaro bisha Oktoobar ee sannadkan
↧