Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay booqday Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Xerada Maslaxa, halkaas oo maalin ka hor laga qabsaday Xarakada Al-Shabaab.
Kormeerka Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xildhibaano ayaa Madaxweynaha ugu kuur galay xaalada deegaanadaas.
Madaxweynaha ayaa Xerada Maslaxa kulan gaar ah oo saxaafada dibad joog ka aheyd kula qaatay Saraakiisha Ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM.
Shir jaraa’id oo uu saxaafada ugu qabtay meel aan ka fogeyn aagga difaaca u ah Ciidamada Dowladda ayaa waxaa uu soo dhoweeyay guusha ay gaareen Ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.
“Aan ugu hambalyeeyo Ciidamada guusha ay soo hoyeen, anaga cid kasta oo ka tanaasusha Mabda’a qaloocan ee Al-Qaacida kaliya ma ahan inaan diyaar u naha waa soo dhoweynaynaa hadii shacabka diyaar u yihiin inay nabad kula noolaadan”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in 20-sano oo dhibaato, khilaaf iyo dagaalo sokeeye kadib laga soo gudbay, isagoo ka dhawaajiyay inay jiraan dad badan oo jalaafeynaya dadaalada la sameeyay.
“Waxaa jira dad badan oo jalaafeynaya ama ka soo horjeeda dadaalada la sameeyay, waxaan leenahay ka qeyb qaata nabada, horumarinta iyo midnimada, anaga waxaa diyaar u nahay cid kasta oo wax tabaneyso inaan xalino”ayuu yiri Madaxweynaha oo si gaar ah u muujinayay mucaarado soo xoogeysanayay oo ka dhan ah Dowladiisa.
Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeysay ee Madaxweynaha maanta tago deegaanada degmada Huriwaa, halkaasoo aheyd goobihii ay ku xooganaayeen Al-Shabaab oo maalmo ka hor laga saaray.
↧
Madaxweyne Shariif oo kormeeray goobihii laga qabsaday Al-Shabaab
↧