Gaalkacyo (RBC Radio) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa goor dhaweyd oo caawa ah waxaa lagu diley Wariye Cali Axmed Cabdi oo ka mid ahaa wariyeyaasha magaalada Gaalkacyo.
Allaha u naxariistee Wariye Cali Axmed Cabdi ayaa lagu diley meel u dhow gurigiisa jidka Hotel Guure oo ku yaal Bartamaha Gaalkacyo, dabley hubaysan oo wajiyada qarsaday ayaa lagu soo waramayaa inay wariyaha dileen isagoo gurigiisa gali raba mana la garanayo cidda dilka wariyaha ka danbeysay.
Marxuum Wariye Cali Axmed Cabdi waxa uu ka mid ahaa wariyeyaasha ugu firfircon ee Gobalka Mudug waxaana uu kasoo shaqeyn jirey Radio Gaalkacyo isagoo kasoo noqdey madaxa barnaamijyada iyo shaqaalaha ee Radio Gaalkacyo.
Wariyeyaasha ka shaqeyn jirey Radio Gaalkacyo ayaa horey isku dayo dil loo gaystey waxaana Radio Gaalkacyo sanadkii hore laga dhaawacay Wariye Xoriyo C/qadir iyadoo isla markaasna Radio Gaalkacyo labo jeer la qarxiyey.
Lama garanayo dadka bartilmaameedsanaya Wariyeyaasha Gobalka Mudug, dilka wariyahan ayaa ka dhigaya wariyihii labaad oo lagu dilo Soomaaliya sanadkan gudihiisa waxaana ka horeeyey maalmo Agaasimihii Idaacadda Soomaaliweyn ee magaalada Muqdisho.
Maamulka RBC Radio iyo wariyeyaashiisuba waxay halkan tacsi uga dirayaan ehelkii, qaraabadii iyo Bahda Saxaafadda ee uu ka geeryoodey Wariye Cali Axmed Cabdi waxaa ilaahay uga baryeynaa inuu janadii ka waraabiyo.
Innaa lilaahi Wa innaa ilayhi raajicuun.
RBC Radio
↧
War deg deg ah: Wariye Cali Axmed Cabdi Oo Caawa koox hubaysani ku dishay Gaalkacyo
↧