Innaa lilaahi wa inaa ilayhu raajucuun Wariye Cali Axmed Cabdi oo horay uga tirsanaan jiray Puntlandi.com ayaa caawa fiidkii lagu dilay Gaalkacyo, Wariye Cali wuxuu ka mid ahaa Wariyaayaasha ugu firfircoon Gobolka Mudug wuxuuna in mudo ah ka shaqaynayay Radio Gaalkacyo iyo Puntlandi.com.
Illaahay ha u naxariistee Wariye Cali Axmed Cabdi wuxuu Puntlandi.com u shaqaynayay mudo sanad ah, isagoo shaqada joojiyey labo bil ka hor sababo la xiriira shaqooyin kale iyo safar uu doonayay inuu waxbarasho u aado Dalka Ugandha.
Dhamaan Shaqaalaha iyo maamulka Warbaahinta Puntlandi.com waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan Reer Axmed Cabdi iyo dhamaan Wariyayaasha Puntland geerida naxdinta leh ee ku timid Wariye Cali.
Cali waxaa la dilay isagoo usocda Gurigiisa, Cida dilkiisa ka dambaysay iyo sababta loo diley ilaa hada ma cada.
Mudo hada la ga joogo 7 bilood ayay ahayd markii la isku dayay in la dilo wariye Xoriyo oo iyana kamid ahayd asxaabta Cali ay wada shaqayn jireen.
Puntlandi.com
Gaalkacyo
↧
War Deg Deg ah:- Wariye Cali Axmed Cabdi oo Gaalkacyo lagu diley
↧