Hargeysa(OWN)_Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Md Cabdirisaaq Cali Cismaan, ayaa maanta ka warbixiyey hawlaha wasaaradiisa ee qorshaha dadka barokacayaasha ah.
Wasiirka oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shirjaraa’id, ayaa sheegay in sannadkan laga bilaabi doono caasimada magaalada Hargeysa saddex boqol iyo kuntan guri oo sannadkan laga dhisi doono magaalada hargeysa, kuwaasi oo waddamada qaadhan-bixiyaasha ahi ugu talo-galeen dadka ku barakacay gudaha waddanka, waxan hirgalintooda loo xilsaaray ayaa uu sheegay hay’adda Un- Habitat.
Geesta kalena, waxa uu wasiirku sheegay in magaalada Burco hay’adda UNHCR ay qorshaysay in ay barakacayaasha ku sugan ay u dhisto shan iyo toban guri, kuwaasi oo ay hirgalintooda u xilsaareen hay’adda NRC.
Wasiirka waxa kale oo sheegay in xaafadda Maxamed Mooge ee magaaladda hargeysa oo ay ku sugan yihiin barakacayaasha ugu badan loo raadin doono goob kale, markii ay iskaashi ka heleen dawladda hoose ee Hargeysa.
Mar uu wasiirka ka hadlayey xilli roobaadka inugu soo foodka leh, waxa uu sheegay in looga digayo dadka danyarta ah eek u dhaqan goobaha biyo-mareenadda ah, taasi oo hay’adda fayo-dhowrku ay ka hirgalin doonaan hawlo nadaafadeed loona baahanyahay in gacan buuxda laga siiyo, si aynu uga hortagno wixii caafimaad-darro ah ee la soo gudboonaan kara dadka barakacayaasha ah.
Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
omarserbia1@hotmail.com
Oodweynews.com,Hargeysa,Office
↧
Wasiirka Dib u dejinta oo ka hadlay 350 guri oo ay u dhisayaan qoysas danyar ah.
↧